Daawo Kooxda Xidigaha Geeska Oo Shirjaraa’id Qabtay Sheegayna In Aanu Jirin Wax Khilaaf Ah Kooxduna Isku Duubantay

Kooxda Fanaaniinta xidigaha geeska ayaa waxay maanta shirjaraa’idku qabteen magaalada Hargaysa shirkan  oo nuxurkiisa uu daaranaa  shaacinta isku duubnida kooxda, ugu horeyn waxaa madasha ka hadley afhayeenka kooxda xidigaha geeska oo ka sheekeeyay shuruucda iyo heerarka ay soo martey kooxdu sidoo kale waxaa madasha ka hadley Gudoomiyihii hore ee kooxda xidigaha geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii u soo qabsoomay intii uu xilka hayey iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu la soomaray intii uu gudoomiyaha ahaa waxa sidoo kale uu sheegay Abwaan Xasan  Laabsaalax in aanu jirin wax khilaaf ah oo sookala dhex galay kooxda xidigaha geeska 

Faalo Ka Dhiibo

comments