Lamaane Kenyan ah oo arooskoodii uu ku baxay lacag dhan hal Dollar kaliya ayaa mar kale waxaa loo dhigay xaflad qaali ah oo aduun lacag dhan $35 kun ay ku baxday kadib markii muwaadiniin reer Kenya ah ay soo abaabuleen lacagtaasi, waxaana la siiyey hadiyado qaali ah sida beer ay ku noolaadaan iyo waxyaabo kale.

Wilson iyo Ann Mutura oo arooskoodii koowaad ay ku baxday hal Dollar oo ay ku iibsadeen faraantiga ayaa waxay sidoo kale ku labisnaayeen suraawiil Jeenis ah iyo labo funaanad oo aan cusbayn.

35 kun Dollar ayaa xafladda loo soo abaabulay ay ku baxday, taasoo ay iska soo aruuriyeen dhaqaalaha hay’addaha dadka taageera, ganacsato iyo dad magac leh.

Lamaanahaan reer Kenya ayaa qabsaday quluubta badan oo Kenyaan ah iyo dunida kale, waxayna noqdeen lamaane caan ah oo baraha bulshada lagu faafiyay aqal galkooda koowaad ee halka Dollar ku baxay.

 

 

KA DHIIBO FIKIRKAAGA