Daawo Madaxwayne Obama Oo Darbi Jiifka Maraykanka Gacantiisa Ku Quudinaya

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, Xaaskiisa Michelle Obama iyo labada gabdhood ee ay dhaleen Malia iyo Sasha, ayaa derbi jiifka caasimadda Maraykanka ee Washington DC, u sameeyay sooryo sharafeed ay ku maamuusayaan.

Madaxweyne Obama iyo Qoyskiisa ayaa munaasibad diimeedka, (Thanksgiving) ee dalkaas laga qabto, sanad kasta marka la gaadho, khamiista afraad ee bisha November, sooryo casho u sameeyay dadka aan hoyga lahayn ee caasimadda Maraykanka, ka dibna iyagu si mutadawacnimo ah ugu adeegay.

Munaasibadan oo ka dhacday, xarunta Friendship Place, waxa Madaxweynaha iyo qoyskiisu ay mid mid cuntadii Duco dhaqameedka ahayd, ugu gureen dadkii derbi jiifka ee ay ku marti qaadeen, xus dhaqameedka (Thanksgiving), ayaa ahaa mid boqolkii sanadood ee ugu danbeeyay si joogto ah, Maraykanka iyo waddamo badan oo dunida ah looga qabto, waxaana si gaar ah loogu quudiyaa, dadka danyarta ah.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com