Daawo Muqaal xiiso badan Suuq la iska Guursado oo laga furay magalada shangiahi & Somali ka guursaday suuqa

waa duni casriya oo ninba curashadii soo caways galbiyay bal caawana aan idiin cugo wax caalamkan cibrada noqday idiinku cusub
wali miyaad maqasheen suuq camiran oo caynba cayn ah, wixii loo yiri ha is cajabiyeen cid kastaaba calafkeed cod dheer haku bayacdo

Waa sheeko xiiso badan suuq cusub oo laga furay magalada shangahay maaha suuqu suuq caadi ah waa suuqi guurka cidaad calamato ee cisho aad jeclaato inaad calaf la wadaagto laga yaabe inaad ka cugato
ciyaar maaha sheekadu waa suuq dad lasoo camiray oo qofba qof kastaa bananka soo dhigay qiimahiisa aqoontiisa dabeecadiisa dookhiisa

cashadii timaadaba calamkan aan joogno casharo horla caawaba lahayaa caruus loo cimaamaday walise aan calaman cadkuu cuni laha aduunkan casirga waayaha cilmiga cusub cir habqamay sidiisi

haa waan is hubaa waliba nin soo diyaar garoobay oo si fiican banaanka soo wada dhigay wax kasta ayaan ahay waynu is guursanayna hadaad igu qanacsantahay lakiin qiimaha kordhi waan ku sheegay in aan ahay qof noocyadii ugu danbeeyay ah
waa furan yahay sicirka suuqu maanta waxa laydiin haya nooc kasta oo idin cajabiya cajiib cajiib yasalaam

qof waliba dookha iyo nasiibkii
suuqu waa camiran yahay
noocaydii ugu danbeeyay dadka
da kastaaba waa ayaanu kusoo bandhigayna
bal eeg waxa wiil goobta jooga
bal eeg wax bilan qalanajo quruxdeed
caways hersare ah weeye
cugo cidaad rabto ku ciilbax
calafkii mudo kaa cadilnaa
calmo cidaad jeclaato
bal eeg dayr iyo barbaarta
waxa canab wadada camiran

 

Furitaanka suuqani waa mid xiiso badan ku abuuray umadaha ku nool calamkan oo iyagu ku tilmaamay in uu xal u yahay caqabadaha guurka in lagaga gudbi karo .
waalidiin badan baan suuqan kasoo raadiya todobaad kasta inay u kuur galan inay u raadiyan cidii ku haboon ubadkooda ee nolosha ay la wadaagi lahaayeen suuqani waa mid leh dabaqado kala duwan kala qiimo badan waana suuq mid kastaa leeyahay xiisahiisa iyo kor u kaciisa dhinaca sicirka tan iyo inatii la daah furay suuqan

Dadka iyagu iska guursaday ayaa warbixintu ku xustay inay ka badan yahiin kumanaan dad ah oo iyagu si fiican ugu riyaaqay helitaanka ay ka heleen lamanihii nolosha la qayb san laha
layaabka ayaa ah in qofkuu uu dibada soo dhigayo wax kasta oo dabeecad iyo dhaqan ahaanba uu leeyahay kaaso ay dhici karto in qofku qiimo aad u sareeya uu ku helo hankiisa aqoontiisa iyo dabeecadiiisa
qiimayn lagu sameeyay soo gudbinta dadka suuqan ayaa daaha ka fayday in lagu ogaaday in 3 dumar ahiba ay ku soo hagaagay nin qudhi taaso welwel iyo walaac ku abuurtay kumaanan dumar ah oo iyagu aan marnaba oglayn inay yeeshan lamaane ay ciddi la wadaagto

u kuurgalka suuqan xiisabadan ayaadna ku arkay qaybaha kala duwan suuqa dhalinyarada walii aan guursan kuwa nolosha heersare ka gaaray taajirka ah kuwa dabaqadaha dhexe
muqaaladani waa mid muujinaya baahida dad badan aduunka ku nooli u qaben suuqan oo maalinba maalinta ka danbaysa booqashada dadka halkaasi soo booqda ay si xawli leh usii kordhayso
mid ka mida dhalinyarada ka heshay suuqa

—-john—xaqiiqdi aad baan ugu riyaqay suuqan waayo qofkii kugu haboona ee awel wakhti badan aad raadin lahayd
hada si fudud oo sahlan ayaad u helaysa waad aragta waa kuwaas oo nooc kasta darbiga lagu soo dhajiyey
waxad ka helaysa qofka warbixintiiso tafa tiran midaasina waxay kuu sahlaysa inaad si dagan aad uga bogoto cidaad doonaysay

waxa xaqiiqa calafkii muda kaa cadilna caawaba inuu caruus yahay
Cidaad calamato ee cisho aad jeclaato inaad calaf in aad la wadaagto laga yaabe inaad ka cugato
adiga iyo dookha iyo qimaahaad goysa waa mid ku xidhiidhsan sida dadku u booqdan wixii aad ku gadmayso ama ku iibsamayso

abdiqani xasan farah ( gadari)

suxufigadari@gmail.com

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply