Daawo Ninkii Maroodiga China oo Dhakhaatiirtu ku Guulaysatay Inuu Nolol Caadi ah Ku Noolaado

Ninkii loogu magac daray Maroodiga China ayaa helay nolol caadi ah, kadib markii buro culeyskeeda dhan 25 Kiilo oo wajiga kaga tiilay lagu guuleystay in laga saaro 21 kiilo.

China's Elephat Man Undergoes Fourth Operation To Remove Facial Tumour37 sano jirkan oo lagu magacaabo Huang Chuncai, kuna nool gobolka Hunan ee dalka China ayaa mudo 30 sano ah la dhibanaa buro wajiga kaga tiil, taasoo Qayrkii ka reebtay, dadkuna ugu magac dareen Ninkii Maroodiga China.

Huang Chuncai ayaa sheegay in hadda uu dareemayo farxad, muuqaalkiisana wax badan iska badaleen. Waxaana meesha ka baxday rikoorkii u yiilay ee “Ninka ugu burada weyn caalamka

Xaalada labadiisa waalid Huang Chuncai ayaa aheyd mid aad u hooseyso oo awoodi waayay mudo 30 sano in ay bixiyaan qarashka ku baxaya qaliinka wiilkooda, hase ahaatee 2007-kii ayaa warbaahinta sii deysay muuqaalka Huang Chuncai, taasoo ugu danbeyntii sanadkan lagu guuleystay in loo helo qarashka ku baxay qaliinkiisa oo mudo saacado ah qaadatay.

DAAWO MUUQAALKII HUANG CHUNCAI

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply