Daawo Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Erdogan oo cayaar saaxiibtinimo oo kubadda cagta saftay , 3 goolna dhaliyay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep tayyip Erdogan ayaa cayaar kubadda cagta ah saftay waxuuna shabaqada ku ruxay ilaa 3 goao oo uu ka dhaliyay kooxdii kasoo horjeeday oo ay ku jireen cayaaryahano heer caalami ah.

Erdogan ayaa waxaa cayaartani ay aheyd mid uu ku furayay garoonka kubadda cagta cusub ee Istanbul iyadoo si lama filaan ah loogu dhawaaqay in Erdogan lagu soo daray isku aadka kooxda Basaksehir oo ay isku jireen duqa magaalada Istanbul , wasiirska caddaalada ee Turki , madaxa xeriirka kubadda cagta Turkiga, Wiilkiisa Bilal Erdogan, iyo cayaaryahano hore iyo kuwa cusub oo kale waxaana Erdogan loo xeray numberka 12 naad oo uu jeclaan jiray in uu xerto xiligii yaraa oo kubadda ka gaaray heer wanaaagsan.

Kooxda kale ee kazoo horjeedday Erdogan ayaa waxaa ka mid cayaartooyid u safneyd goolaha Turkiga , iyo cayaaryahano Turki ah ooo heercaalami ahaa ayagana balse waxey qaban waayeen kooxda Oranjaha wadatay ee ra’iisul wasaare Erdogan oo ku adkaatay 9-4 uu 3 gool ka mid ahi u saxiixay laf ahaantiisa waxaana durbadii uu goolka taabsiiyo Raiisul wasaare Erdigan kacayay taageerayaasha oo garoonka soo buux dhaafiyay.

Erdogan ayaa ah Ra’iisul wasaare aad uga qeybqaata munaasabadaha shacabka dalkiisa ay soo qaban qaabiyaan iyadoo caawa aad looga yaabay tan markii uusoo xertay maaliyad garoonka soo galay asigoo cayaartooy ah. Mucaaradka iyo muxaafidka dalka turkiga ayaa wada taageeray arrinkani ayagoo si qosol leh uga qoray wax bogogooda twitterka iyo facebook.

Aqani xasan Gadari
Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply