Daawo Sida Huruuda Jidhka Loogu Qurxiyo Warbixin + Muuqaal

huruudaAkhristaayaasha sharafta badan ee ku xiran qurbo.net waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qaar ka mid ah faaidooyin caafimaad ee Turmeric-ga ama huruuda iyo weliba sida jirka loogu qurxiyo.

Faaidooyinka huruuda:

Huruuda (Turmeric) waxaa ku jirta madaada Curcumin taasoo ka hortagta kansarka, hoosna u dhigta khatarta cudurka wadne xanuunka, sidoo kale daraasado caafimaad ayaa muujinaya in maadadaani wax ka tarto cudurka maskaxda ku dhaca ee Xusuus la’aanta.
Waxay la dagaalantaa baraha mad-madow ee wajiga kasoo baxa.
Waxay maqaarka jirka ka dhigtaa mid iftiimaya oo dhalaalaya.
Waxay yaraysaa timaha wajiga kasoo baxa
waxay ka takhalustaa isla markaanaa ay ka hor tagtaa finanka (acne).
waxay dawaysaa haaraha iyo waliba duuduubka wajiga.
Waxay jirka u siyaadisaa qurux badan iyo nadiifin dhammaystiran.
Waxay la dagaalanka caabuqa.
Waxay dib u dhigtaa calaamadaha gabowga.

Sida jirka loogu qurxiyo huruuda:

Soo qaado baaquli ku shub 1 qaado/malqacad huruud ah, 1 qaado oo malab ah iyo 1 qaado oo caanaha ciirta ah (Yougurt) kadibna isku qas.

Wajiga biyo nadiif ah isaga mayr kadibna qallaji, dabadeedna marso huruudii, malabkii iyo caanihii aad isku qastay adigoo u daynaya mudo 20 daqiiqo kadibna biyo qabow iskaga mayr.

Halkaan hoose ka daawo muuqaal ku saabsan sida huruuda la iskugu qurxiyo:

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com