DAAWO-Wasiirad ka tirsan Britain oo isku casishay arrinta Gaza iyo Israili u muslimay arrintaas darteed isla markaana musharkiisa ugu deeqay reer Gaza

Baroness Sayeeda Wars oo iyadu ahayd wasiirkii Xafiiska Arrimaha Dibadda dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in ay iska casishay xilkeedii .

Sayeeda Wars waxay sheegtay in dawladda Ingiriisku ay eeganeyso xasuuqa aan loo meel dayin ee ay Yuhuuddu ku hayso shacabka reer Gaza ee dhulkoodii lagu haysto.

Baroness ayaa warqaddeedii shaqo ka tegista ku wareejisay Raiisal wasaare David Cameron iyadoona u sheegtay in aysan intaan ka badan u dulqaadan karin siyaasadda Ingiriiska ee ku wajahan xaaladda ka jirta Gaza.
“Wax badan ayaan isku dayay inaan dawladdeyda ka dhaadhiciyo xasuuqa ka socda Gaza iyo waajibaadka na saran hase yeeshee taa ma dhicin in dheg jalaq loo siiyo anigana ma doonayo inaan ka sii mid ahaado dawlada taageereysa Yuhuudda xasuuqa ku haysa shacabka reer Filistiin ee laga gardaran yahay .

David Cameron ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay shaqa ka tegista Wars hase yeeshee waxaa uu qiray in tallaabooyinka Yuhuuddu yihiin wax aan la difaaci karin loona dulqaadan karin.
Dhanka kale Ku-xigeenka Ra’iisal-wasaaraha ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Liberal-ka Nick Clegg, ayaa difaacay tallaabada ay isku casishay wasiirka muslimka ahi, isagoo sheegay in Israa’iil ka gudubtay heerkii caadiga ahaa, isla markaana waxa uu soo jeediyey in dawladda Ingiriisku kala noqoto Israa’iil liisamada hubka ay kaga iibiso.

wasir2

Wasiiraddan ayaa asal ahaan ka soo jeedda dalka Pakistan iyadoona haysata dhalashada dalka Britain.
Dhanka kale Solmon waa Israili ku sugan waddanka UK waxaa uu soo wacay TV qabanayay barnamij dhaqaale loogu ururinayay shacabka reer Gaza ee ku dhaawacmay xasuuqa Yuhuudda , waxaa uu sheegay in uu reer Gaza ugu deeqay dhammaan mushaarkiisa oo gaaraya £900 oo ah lacagta waddanka Britain, waxaana uu sheeegay inuu ugu talo galay lacagtaasi in ay qeyb ka noqoto daawooyinka lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay duqeymaha Yuhuuddu ka geysatay Gaza ee yaala Cusbitaalada.
Solomon waxaa uu iibiyay isla malintaasi uu ballanqaaday inuu bixiyo lacagta gaarigii kaliya ee uu lahaa oo uu ku iibiyay illaa£ 2000.

Solomon ayaa markii intaasi uu ballanqaaday inuu ugu yaboohayo reer Gaza ee aanu ka bixin qadka Telefoonka ayaa haddana waxaa uu sheegay inuu arrin kale oo aad u farxad badan taaso ahayd inuu doonayo inuu soo islaamo.
Daadiyihii barnamijka oo aad ugu farxay hadalka Solomon ayaa u sheegay in ay soo dhaweynayaan kalmadaas wanaagsan ee ka soo baxday afkiisa kuna soo dhaweynayaan qaadashada diinta sharafta badan ee Islamka .
Waxaana intaa kadib hadalki qaatay wadaad fadhiyay Studiyaha oo sheegay isaguba uu ahaan jiray Kirishtaan balse uu soo Islaamay noloshiisana waxa badan iska baddaleen dabadeedna halkaa ayuu shahaadadii ugu qabtay oo uu ku muslimiyay.

Masha ALLAAH tani waxay daliil cad u tahay sida xaqu uga cad yahay baadilka iyo in qofkii ALLAAH ugu tala galay nasteexo inuu siinayo hanuun iyo barako .

Solomon waa hubaal inuu ka garasho batay kuwa maanta sheeganaya in ay yihiin madaxda dawlado carab ama Islaami ah .

abdiqani xasan gadari
suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply