Daawo Xus Loo Sameeyey Dadkii Ku Dhintay Weeraradii Paris

Wadanka France ayaa waxa maanta laga bilaabay xus baroordiiq ah oo loo sameeyey tiradii dadka ahayd ee lagu dilay weerardii argagixiso ee wadankaasi.

Xuskan ayaa waxa lagu qabtay gudaha matxafka Milatariga wadankaas ee badhtamaha caasimada Paris waxana halkaas ku aasan boqorkii la odhan jirey Napoleon.
Waxa goobtaas khudbad dheer ka jeediyey madaxwaynaha wadankaas Hollande iyaga oo ay goobta ku sugnaayeen ku dhawaad 1000 qof oo ay ku jiraan dadkii ka badbaaday weeraradaas iyo qoysaska kuwii lagu laayey.
Hal daqiiqo ayaa la aamusay, waxaana munaasabadda laga akhrinayay liiska magacyada dadkii weeraradaa ku dhintay.
Madaxweynaha ayaa ka dalbay muwaadiniyiinta Faransiiska in ay munaasabadda uga qeyb qaataan in ay guryahooda sudhaan midabada calanka Faransiiska ee ah Buluug, cadaan iyo casaan.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com