Daawo:Somali Baraf Dartii Gacmuhu Go’een Xadka U Dhexeeya Canada Iyo Maraykanka

Jahliyadahada Somalida ee ku nool Minneapolis ee gobolka Minisota ayaa uga dhigay dadka magangalyo doonka ah inay safar lugta ah  kaga talaabaan Xuduudaha dalkaasi.Hogaamiyaashaan ayaa sheegay inuu jiro qabow daran oo galaafan kara nolosha dadkaas, waxayna ku dhiiri galiyeen dadka ka tirsan Bulshada inay aad u taxadiraan oo ay ka fogaadaan safarada qar iska tuurnimada ah ee halis galin kara noloshooda.

Cumar Jamaal oo ka mid ah hogaamiyaasha Jaaliyada Soomaalida ee ku nool gobolka Minisota ayaa sheegay inay dhigniintaan soo saareen kadib markii ay ogaadeen inay jiraan rag Soomaali ah oo habeenkii Isniinta ahayd ka tagay magaalada Minneapolis kuwaa oo qorsheynaya inay maalmaha soo aadan ka talaabaan xadka Mareykanka.

Jamaal oo hadalka sii wata ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin dadka ay wehliyaan carruurta ee dubra aaday jihada waqooyi ee dalkaani.

Dadkaan xaduuda gooynaya oo u badan African loo diiday Sharciga dalkaan ayaa doonaya inay ka caraaraan maamulka Trump oo laga yaabo inuu si qasab ah u tarxiilo.

Waxaana xusid mudan inay dadkaani ku qulqulayaan Dalka Canada oo soo dhaweyn u sameynaya isla markaana siinaya magangalyadii ay doonayeen.

Waa markii ugu horeysay Taariikhda oo la arko dad qaxooti ah oo xilli ay cimiladu sidaan u qabowdahay lug uga baxaya Dalka Mareykanka oo la tilmaamo inuu yahay Wadan ay dhiseen qaxooti ka yimid daafaha Caalamka.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com