Dab Ka Dhacay Iskuul Kuyaal Thailand Oo Ay Ku Dhinteen 17 Gabdhood

Ugu yaraan 17 gabdhood oo ciyaal iskuul ah ayaa ku dhintay dab ka kacay halkii ay seexanayeen ee waqooyiga wadanka Thailand.

Dabka ayaa kacay fiidnimadii Axaddii, xilli gabdhaha badidood, oo da’doodu u dhaxaysay 5-13 ay jiifeen sida uu Boolisku sheegay.

Sarkaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in goobta la seexdo ay ku sugnaayeen 38 arday.

Laba gabdhood ayaa la la’ yahay, halka shanna ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo labo ka mid ah uu dhaawacoodu aad u liito.

Ku xigeenka Badhasaabka Chiang Rai, Arkom Sukapan ayaa sheegay in ardayda qaarkood ay weli soo jeedeen oo ay u suurto gashay in ay baxsadaan.

Wargeyska The Nation ayaa sheegay in meydadka loo qaaday isbitaal si loo aqoonsado, ayadoo baadigoobka labada gabdhoodna uu weli socdo

 

Faalo Ka Dhiibo

comments