Haweenayda loo doortay boqorada quruxda Dalka Salvador ee dhawaan ku guulaystay ayaa waxa ay la kulantay arrin nafteeda halis galisay.

Boqorada Dalka Salvador ayaa markii la gudoonasiiyay Taashka Boqorada quruxda ee Dalkaasi isla markaana ku sugan Masraxii lagu gudoonsiiyay ayaa waxa si kadis ah taashkii la gudoonsiiyay u qabsaday dab kaasi oo halis galiyay nafteeda.

Boqorada quruxda Salvador ayaa waxa la sheegay in ay haatan nabad qabto ,waxaana dabkaasi qabsaday taashkeeda la sheegay in aanu jidhkeeda waxba yeelin waxaana ka soo gaadhay oo damiyay dabkaasi gudidii qabnqaabada xafladaasi oo halkaasi ku sugnaa .

Ciidamada Amaanka ayaa waxa ay sheegeen in aanay cadayn sababta uu dabkaasi uga kacay Taashka Boqorada waxa aanay sheegeen in ay wadaan baadhitaano ay ku ogaanagaan sababta ay arrintaasi ku dhacday .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA