Dalka Japan ayaa waxa laga hir galiyay Dabaq aad u dheer kaasi oo ka samaysan Loox ,dabaqani ayaa waxa uu noqonayaa dabaqa ugu dheer Dunida ee Looxa ka samaysan ee Daruuraha gaadha.

Dabaqan ayaa waxa uu ka koobanyahay 70 dabaq waxa aanu dhererkiisu yahay 350 mitir bedka uu ku fadhiyaana waxa uu yahay 455 kun oo mitir squre .

Qiimaha uu dabaqaasi ku kacayo ayaa waxa uu noqday 5 millyaar iyo 600 oo Millyan oo Dollar dabaqani ayaa waxa uu ka koobanyahay xafiisyo iyo sidoo kale huteel hurdo iyo beer aad u balaadhan .

Magaalada Dubai ayaa waxa la filayaa in ay dabaqaasi tartan la gasho ka hor inta aan la furin sababtuna waxa ay tahay in 90% uu ka samaysanyahay loox,waxa aanay magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadku isku dayi doontaa in ay soo saarto dabaq daruuraha gaadha oo 100% ka samaysan loox .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA