Dagaalka U Dhexeeya Beyonce Iyo Kim Kardashian Oo Heerkii Ugu Xumaa Maraya

Mid ka mid ah dagaalada afka la iska weeraroo kii ugu adkaa ayaa ka dhex qarxay labada xidigood ee aadka warbaahinta iyo aqoonta dadka dunida ugu caanka ah, waxaanay labadan gabdhood oo mid heesaheda la jecel yahay, ta kalana daawashadeeda telefishanka dad badani xiiseeyaan caana ku noqotay ay iska weerareen hawada.

kim-kardashian-instagram-beyonce-laughing-leadIn kasta oo fanaanada Beyonce iyo xidigta telefishanka ee Kim Kardashian saaxiibo aad isugu dhow ahaayeen wakhti aan sanad wax ka badan laga joogin, haddana waxa muuqata in biyo hoostood ay iska kim-kardashian-kanye-west-wedding-1haraatiyeen, oo wax aka dhex qarxay colaad aan dadka badankiisu aad ugu dhuun daloolin.

Dagaalkan ayaa inta laga war qabo waxa uu ku bilaabmay, ka dib markii Kim Kardashian ay ka cadhootay, Beyonce, ayna sheegtay inay u jartay casuumadii arooskeeda oo ay ku marti qaaday, taas oo ay ku tilmaantay inay ahayd wixii ugu xumaa ee ay ka cadhooto nolosheeda, marnabana aanay ka raali galin doonin, xitaa haddii ay ka cudur daarato oo si rasmi ah uga hadasho Beyonce.

Laakiin warar ku dhow dhow Beyonce ayaa tibaaxaya in ay sheegtay sababta keentay ka baaqashadeeda arooska Kardashian, kim-(5)kim-(6)waxaanay Beyonce ku doodaysa in gabadhaasi ka taajirtay, buun buuninta fadeexadaha galmada iyo eedaymaha ay dadka la daba socoto, halka ay iyaduna Beyonce ahaan ay ku soo shaac baxday hawsheeda fanka iyo matalaada ah ee ay ilaa shan jirkeedi ku soo jirtay.

Beyonce ayaa tilmaantay in aanay doonayn inay isku garab sawirto, haweenay dunida kaga caan baxday oo lagu wada bartay, fadeexada iyo ceebaynta ay ku hayso dadka, gaar ahaan galmada iyo dhaqan xumada kaga sheekaysa barnaamijkeeda, sidaa awgeed waxa ay muujisay inay ogaan ugu jartay gabadhaas, iyadoo sida ay ku dooday sumcadeeda dhawranaysa.

Hasa yeeshee Kardashian oo si wayn hadalka iyo eedaynta Beyonce u taabtay ayaa sheegtay in xitaa raali galin aanay ka aqbali doonin, sida ay u dhaqmayso gabadhaasina tahay mid caqliga dadka ku ciyaaraysa, balse ay qiimo sare ugu kici doonto oo looga baahan yahay inay u diyaar garowdo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply