Dal U Diiday Dadkiisa In Ay U Dabaal Dagaan Maalinta Jacaylka Aduunka!

Dalka Pakistan ayaa waxa dadka ku nool loo diiday in ay u dabaal dagaan Maalinta Jacaylka Aduunka ,xukuumada Dalka Pakistan ayaa talaabadaasi sanadkii labaad ku soo rogtay dadkeda in ay joojiyaan dhamaan dabaal dagyada la xidhiidha maalintaasi.

Xukuumada Dalka Pakistan ayaa waxa ay arrintaasi ku sheegtay in aanay ka mid ahayn guud ahaan ba diinta Islaamka ,waxaanay maxkamada sare ee Dalkaasi soo saartay go’aan ah in xukun maxkamadeed lagu qaadi doono qofka u dabaal daga maalintaasi.

Ganacsata badan oo u dhalatay dalkaasi ayaa waxa ay aad uga ganasadaan ubaxyada iyo sidoo kale macmacaanka ay dadka maalintaasi u dabaal dagayaa ay aadka u iibsadaan.

Sidoo kale dhalinyarada u dhalatay dalkaasi qaar ka mid ah ayaa aad u iibsan jiray waxyaabaha la isku hadiyadeeyo maalinta Jacaylka Aduunka ee xukuumada Dalkaasi u diiday shacabkeeda in ay u dabaal dagaan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com