Daraasad Cusub: Dadka aan isku qanacsaneen Oo Isla hadal Bilaaba

Xilli caalamka ay ku badanyihiin dadka qaba Cudurka keena in qofku cuqdad ka qaado muuqaalka jirkiisa oo la yidhaa (Dymorphic Disorder), ayaa la ogaaday inuu maskaxda dadka ku keeno dhibaatooyin sababa inay farriimo khaldan soo tebiso maskaxda sababna u noqoto inay washaan ama isla hadlaan,

Hadaab cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadda California iyo Los Angeles ee wadanka Maraykanka ayaa shaaciyey in dadka cudurkan qaba xididda farriimaha gudbiya ee maskaxdoodu si khaldan u shaqeeyaan, isuna waydaartaan si aan caadi ahayn inta ay hawsha shaqo ku guda jiraan,

khubaradu sido waxay iftiimiyeen in qaybaha maskaxda ee farriimaha gudbiya si aan habboonayn oo khalad ah farriimaha jirka loo kala dirayo haddii qofku cuqdad ka qaado habka muuqaalkiisu u egyahay islamarkaane uu rabi u uumay,

Cimi baaraysha waxay leeyihiin Waxaannu ogaannay xiriir xooggan oo ka dhexeeya shaqo xumida ku timaad maskaxda iyo qofka oo cuqdad ka qaada muuqaalkiisa, waxaanay maskaxda dadku u kala shaqo xun tahay hadba siday cuqdadda noocan ah ugu badan tahay, waxaanad arkaysaa dad badan oo had iyo jeer muraayadda dhex taagan si ay u eegaan in quruxdoodu ka soo raysay.” Sidaa waxa yidhi Dr. Jamie Feusner oo ka mid khubarada daraasaddan sameeyey.

Ha yeshee Xaaladda noocan ah ayaa saamaysay in ka badan 120,00 qof oo ku nool dalka Ingiriiska, waxaanay dhakhaatiirtu iftiimiyeen baadhitaan ay ku sameeyeen maskaxda 14 qof oo dhallinyaro ah oo cudurkan qaba iyo 16 ka caafimaad qaba cuqdadda noocan ah in lagu ogaaday in arrintani halis ku tahay caafimaadka guud ee qofka.

Ugu danbeeyntii Daraasaddan cusub baa timi kadib markii cilmi-baadhis hore lagu xaqiijiyey in dadka cuntada aan si fiican cunin ay maskaxdoodu u gudbiso farriin khaldan oo ah inay ku buurnanayaan ama ay iska badalayaan sida ay haatan yihiin,

Fikirkaaga Wa Muhiim

SUXUFIGADARI@GMAIL.COM

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply