Dawalada Sucuudiga Oo Baadi Goobaysa Nin U Dhashay Dalka Sucuudiga Oo Baahiyay Muuqaal Uu Ilma Yar Ku Siinayo Sigaar !

Wasaarada Hawlaha guud ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxa ay ku daba jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen nin iska duubay isaga oo ilma yar ku qasbaya in uu sigaar cabo.

 

Muuqaalkan ayaa waxa aad loogu baahiyay baraha bulshada waxa aanay dawlada dalkaasi raadinaysa ni kaasi muuqaalka iyo sawiradaasi baahiyay qofka garanaya waxa aanay qofkaasi siin doontaa abaal marin.

Muuqaalka iyo sawirada la baahiyay ayaa ah kuwa muujinaya Wiil aad u yar oo nin afka Sigaar ugu qabanayo isla markaana uu ku qaba in uu cabo.

Sideedaba Dalka Sucuudiga ayaa waxa ka caado ah in ragga da yarta ahi ay aad u cabaan sigaarka balse muuqaalkan ayaa noqday mid saamayn ku yeelanaya mujtamaca dalkaasi .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com