Deg-Deg :  Somaliland oo Guushii Ugu Horeysay Koobka Aduunka Gaadhay

Xulka qaranka Somaliland ayaa dhadhamiyey macaanka guushii ugu horeysay tartanka koobka aduunka Conifa world Football Cup 2016 – kadib markii ay ciyaartoodii saddexaad oo noqonaysa midi koobaad ee ay ugu tartamayaan kaalmaha 4-5 iyo 6-aad ee tartanka Abkhazia ka socda, ay 3-2  kaga badiyeen xulka wadanka Chagos island.

In kasta oo xulka Somaliland ka hadheen, inay u soo baxaan wareega labaad ama quarter Finalka koobka aduunka, hadana waxay rajo ka qabaan inay meel fiican ka gaadhaan tartanka, waxaanay u tartamayaan kaalmaha kala sarayneed ee qiimaynta xulalka 12 ka ah ee ka qayb galaya tartanka Sanadkan.

Somaliland, oo wareegii hormaynta (Groups) lagu reebay, kadib markii ay laba guuldaro kala kulantay qaramada – Sapmi iyo Panjab oo iyaguna ku kala baxayeen, lana ogolaa kaliya inay labada xul ee ugu dhibcaha Sareeya uuni u gudbaan Quarter Finalka ama rubuc dhamaadka koob aduunka Abkhazia 2016.

Kooxaha ku hadhay tartanka jeerkiisa Groups ka ayaa qorshuhu yahay inay laba kulan koox kastaa ciyaarto, kaas oo haddii ay ku soo baxdo ay wareeg labaad , ciyaar isreeb reeb toos ah la ciyaari doonto , afarta xul ee ku soo hadha quarter Finalka,  sida loo kala guuleysatana loo fadhiisanayo kaalmaha 5 aad – lixaad iyo todobaad ee koobka aduunka.

Hadaba qaranka Somaliland ayaa guushii koobaad ee fanashada kaalmaha, farxad ku soo dhaweeyey markii ay manta –‘’’Khamiis – 02/June/2016) Ku karbaasheen 3 gool iyo 2 xulka Chagos Island.

1 2

KOLKATA, INDIA - OCTOBER 11: Vivekananda Yubabharati Kriranganis ready to host the first ever ISL football tournament at Salt Lake stadium as rehearsal of the inaugural function is in progress, on October 11, 2014 in Kolkata, India. The inaugural Indian Super League (ISL) begins Sunday with a potential of awakening a 'sleeping giant' from its long slumber. (Photo By Subhendu Ghosh/Hindustan Times via Getty Images)

KOLKATA, INDIA – OCTOBER 11: Vivekananda Yubabharati Kriranganis ready to host the first ever ISL football tournament at Salt Lake stadium as rehearsal of the inaugural function is in progress, on October 11, 2014 in Kolkata, India. The inaugural Indian Super League (ISL) begins Sunday with a potential of awakening a ‘sleeping giant’ from its long slumber. (Photo By Subhendu Ghosh/Hindustan Times via Getty Images)

Faalo Ka Dhiibo

comments