Deraasadd ay soo saareen khubaro Caafimaad oo u dhashay Dalka China ayaa waxa ay cadeeyeen in cabista shaaha aadka u kululi ay sababto cusur halis ah oo aanay dad badani ogayn.

Cudurkaasi halista ah ee shaaha kululi uu sababo ayaa waxa uu yahay Cansser-ka Cunaha,Cudurkaasi ayaa waxa uu inta badan ku dhacaa Dadka Aadka u Caba Alchol’s-ka “Khamriga”.

Dadka uu cudurkaasi haleelo ayaa waxa la sheegay in ay u geeriyoodaan cudurkaasi inta ugu badan waxa ay dadka uu cudurkaasi haleelaa ay sii noolaadaan muddo shan sano ah kadib marka la ogaado in uu xanuunkaasi hayo waa sida ay deraasadaasi sheegtaye walaw Ajasha Qofkh ay ku xidhnayn xanuun iyo caafimaad qab oo qof kastaaba Hooyanayo xiligii Ilaahay Oofsado .

Deraasaddani ka soo baxday dalka China ayaa waxa ka soo hor jeedsaday khubarada Caafimaadka ee Dalka Britain waxa aanay sheegeen in cabista shaaha aadka u kululi aanay ka mid ahayn caadooyinka dalkooda ee ay tahay Caado ku kooban Dalka China sida Lagu baahiyay Wakaalada wararka ee Sky News .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA