Dhagayso Waraysi Abshir Maxamed Oo Jilay Film Cusub oo Ay Soo Saartey Hollywood

Abshir Maxamed Xasan (Abaadir) oo 28 jir wuxuu wax ka jilayaa isaga iyo wiil kale oo Soomaali ah film cusub oo la yiraahdo Default oo toddobaadkan soo baxay.

Filimka wuxuu ku saabsan yahay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku afduubaneysa dayaarad Mareykan ah jasiiradda Seychelles.

141019165025_somali_actor_224x280_bbc_nocreditAbshir oo ku nool magaalada Los Angeles ee xarunta filimada Hollywood, waxa uu sheegay in fursaddan jilaaga ah oo yaraantiisi uu jeclaa inay ugu timid makhaayad yar oo Soomaalidu ku leedahay Mareykanka.

Wuxuu sheegay inay u yimaadeen dad raadinaya Soomaali oo film wax ka jisha, kaddib imtixaan laga qaadayna uu ku guuleystay isaga iyo saaxiibkii.

HALKAN KA DHAGAYSO WARAYSIGA LALA YEESHAY WIILKAN


Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply