Hawraar (Riyad) Dhakhaatiir u dhalatay Dalka Sucuudiga ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay badbaadiyaan gabadh yar oo Irbad Liqday.

Dhakhaatiirta ku guulaystay arrintani ayaa waxa ay ka hawl galaan dhakhtarka Boqor Fahad ee Dalkaasi ,dhakhaatiirta ayaa waxa ay sheegeen in aanay wax qalniin ah ku samayn gabadhani ,balse baadhitaano badan oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Irbadaasi ay gabadha yari liqday ay kaga dhagtay Feedha Bidix.

Dr Hasan Al-sanaadi oo ah maamulaha Qaybta Qalniinka ee dhakhtarkaasi oo arrintani ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi” Wax qalniin ag kumaana samayn gabadhaasi yar ee Irbada Liqday isla markaana noolosheedu halista gashay ,waxa aanu adeegsanay Qalab ka samayaan Tuunbooyin oo lagu dhaadhiciyo Feedhaha Qalabkaasi oo magiciisa la yidhaahdo Flexible Endoscope,alhamulilaah waan ku guulaysanay “.

Dr Hasan Al-sanaadi ayaa sidoo kale u mahad celiyay dhakhaatiirtii hawshaasi ku guulaystay.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA