Dhakhtar ku yaala Dalka Hindiya ayaa waxa uu fuliyay qalniin aad u la yaab badan kaasi oo lagu fuliyay haweenay u dhalatay Dalkaasi ,dhakhtarkani ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Indubhai Parekh Memorial ayaa waxa haweenay u dhalatay Dalkaasi ka jaray Cad ka soo baxay oo oo miisaankiisa ay dhakhaatiirtu ku dheegeen in uu ahaa 11.8Kg.

 


Haweenaydani ayaa waxa magaceeda la yidhaahda Layla Bay waxa aanay muddo laba sano ah ka cabanaysay xanuun aad u darnaa oo ka haya kaadi haysta ugu dambayna waxa ay dhakhaatirtu go’aam ku gaadheen in laaga qalo cadkaasi xanuuka ku hayay muddada labada sano ah .

 

 

Dhkhaatiirta dhakhtarka Indubhai Parekh Memorial ayaa ku guulaystay qalniinkaasi waxa aanay sheegeen in Layla ay haatan ku jirto dhakhtarka isla markaana ay qaadanayso dawyiin isla markaana uu caafimaadkeedu aad u wanaagsanyahay .

Cadkani laga soo saaray kaadi haysta Layla ayaa waxa lagu samaynayaa haatan baadhitaan si loo ogaado in uu yahay Cansser iyo in kale .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA