Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Dhakhaatiirta Dunida Oo La Yaaban Wiil Yar Oo 11 Cisho Oo Xidhiidh ah Hurday

Wyatt Shaw waa todobo sanno jir kasoo jeeda Elizabethtown, Kentucky oo dalweynaha Mareykanka ah.

Dhowaan ayuuna hurdada kasoo kacay ka dib markii uu 11 cisho si xiriir ah u jiifay isagoo aan marnaba soo toosin.

Wyatt Shaw ayaana ku qasbay dhakhaatiirta inay baaritaan ku sameeyaan cudurkaan aan la garaneyn ee isaga ku dhacay kuna qasbay inuu 11 maalmood iyo 11 habeen si xiriir ah u jiifo.

Waalikiis waxay daaha ka qaadeen in markii ugu dambeyn uu soo toosay wiilkoodu uu ku dhibtooday hadalka, sidoo kalena uusan jirkiisa dhaq-dhaqaajin karin. Balse xaaladdiisa ayaa haatan kasoo reyneysa, wuxuuna qarka u saaran yahay inuu si buuxda usoo bogsoodo.

Ka dib markii uu ka qeybgalay xafladdii arooska adeerkiis halkaasoo uu si wanaagsan uga soo ciyaaray, hooyada dhashay Shaw ee Amy ayaa seexisay wiilkeeda, balse kuma aysan fikireyn inuu 11 maalmood si xiriir ah u jiifi doono.

Hooyadiis Amy ayaa daaha ka qaaday inay dhowr jeer isku dayday inay hurdada ka kiciso, laakiin Shaw indhaha ayuu kala qaadayey oo keliya mana uusan yaqiinsaneyn waxa hareerihiisa ka soconaya.

Dhakhaatiirta ayaana haatan baaritaan dheer ku sameyn doona wiilkaan 7 sanno jirka ah, si ay u ogaadaan cudurkaan yaabka leh ee ku qasbay inuu maalmahaas xiriirka ah iska jiifo isagoo aan dareenba laheyn.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: