Dhakhaatiirta Hindiya oo 232-Ilig oo Dheeraad ah Ka Saaray Wiil Dhalinyaro ah

Mumbai, (Hawraar/Murti):- Dhakhaatiirta cusbitaal ku yaala magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa qaliin 7-saacadood qaatay, ka dib ku guulaystay in 232-ilig oo dheeraad ku ah ay ka soo saaraan, afka wiil yar oo todoba iyo toban jir ah, kaas oo xanuun ciridka midig ka hayay awgii loo keenay cusbitalka.

Wiilkan yar oo lagu magacaabo, Cashiq Juffali ayaa maalintii isniintii qalin loogu sameeyay cusbitaalka JJ. Hospital, waxaana todoba saacadood ka dib laga soo saaray, ilko tiradoodu 232-dhan tahay, taas oo noqonaysa qiyaastii ugu badnayd ee ilko dheeraad ah afka qof aadami ah laga soo saaro inta la garanayo taariikhda.

Indian teen getting his 232 teeth pulled out in Mumbai

Dhakhaatiirta cusbitaalkan ayaa la argagaxay markii ay arkeen lakabyo kala hoos hooseeya oo ah ilko ku dheeraad ah wiilkaas yar ee dhalinyarada ah, waxaanay go’aan sadeen inay u badheedhaan qaliinkii ugu cuslaa ee ciridka ay ku sameeyaan.

  s92

Xaalada wiilkan yar oo ka mid ah kuwa dhif iyo mar la araga ku ah ilkaha dheeriga ah ee raarma ayaa loogu yeedhaa afka caafimaadka, (Complex odontoma), waxaana qofka uu xanuunkaasi ku dhaco ku samaysma ilko dacawo caafimaadkiisa wax yeelo ku keenta, isla markaana sababta ilko dheeraad ah oo ciridka iyo qaybo afka ka mid ah isku qariya.

 

 

 

 

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply