Dhalinyaro Afrikaan Ah Oo Mid Ka Mid Ah Magaalooyinka Dalka Sucuudiga Ku Soo Bandhigay Masas Ay Iibanayeen Kuna Siday Masaskaasi Gacmahooda!

Dhalin yaro afrikaan ah ayaa waxa mid ka mid suuqyada magaalada Jasaan ee Dalkaasi Sucuudiga ku soo bandhigeen Masas tira badan .

 

Arrinta aadka u la yaabka badan ayaa waxa ay tahay in dhalinyaradaasi ay Masas tira badan gacanta ku hayeen dadka u dhashay dalkaasi ayaa aad baraha bulshada ugu qaaday dhigay arrinta ay dhalinyartaasi ku kaceen .

Dhalinyaradan ayaan la sheegeen dalalka ay ka soo jeedaan balse waxa la sheegay in ay yihiin dhalin yaro ajaanib ah kuwaasi oo ka soo jeeda qaarada Afrika.

Arrintan ayaa waxa ay ka mid tahay arrimaha dhif iyo naadirka ku ah guud ahaan Dunida sida caadada ahna dad badan ayaa waxa ay cabsi xad dhaaf ah ka qabaan arrimaha noocaasi oo kale ah.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com