Dhibanaha aan Dhalan Qalinkii Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) Qaybtii 10 aad

Waxaynu Maraynay,iyadoo Dalal iyo Bilna Xero Qaxooti oo Hargeysa ah galeen Labdii Askarina,Ay Erateria,Jabhadii Dib u Xoraynta ka galeen,

 

Hadday ururada samafalka muddo dhowr bilood ah daawo iyo baan ku hayeen Dalal iyo Bilan, oo nololi ku soo yare noqotay, ayna dhogor dad yeesheen, ayaa qaxootigii kale iyagoo si gaar ah ugu dedaalaaya u dhiseen buul bax iyo xaashiyo ka sameysan, si ay isugu aroostaan.

Markii buulkii loogu talagalay loo hooyey, arooskii iyo aroosadii, labo saddex qof ma’ahe intii kale tageen, ayaa cabbaar kaddib qabanqaabiyihii munaasabadda yihi, “Aroos laguma raago lagama raago’e inaga soo dareersha,” halkaas leysaga tegey Dalal iyo Bilan.

Wuxuu habeenkaasi ahaa, habeen, habeenkiisii ka horreeyey, roob laxaad leh oo miiraale ahi da’ay, oo dhulku reys yahay, neecow qaboobina dhaceyso. Wuxuu ahaa habeen meelo fogfog oo daruuro gudgude oo dabeyli shukaamineyso ma’ahe cirku kaad yahay, caadna haba yaraatee aannu jirin. Wuxuu ahaa habeen dayaxa Afrika oo nuurkiisa la ogyahay isagoo afar iyo tobnaad ah, uu baalka la soo baxay, in doora hadduu kor u kacayna nuurkiisii irbad dhulka ku dhacday isha lala waaweyn.

Wuxuu ahaa habeen jawigu aad u macaan yahay, oo labadii is aroostaa uu ishaaro fiican u yahay.

In cabbaar ah, haddii qofba qof sheedda ka eegay, oo qofba qof ku dheygagay oo leysku ashqaraaray, oo ruuxna ruux rumeyn waayey, kalana garan waayey is helitaankoodu, is filiwaa darteed, run iyo riyo miduu yahay, ayaa Dalal intuu kacay ag kadaloobsaday dermaday ku fadhiday, wuxuuna ku yidhi, “Waa midaan rumeysnaa min maalintaan harada ku kulannay ineynu maalin uun is aroosan doono, garanmaayo sababta, wuxuun baase sidaas igu yidhi, adiguse sidaas ma qabtay?”

“Maya, nololba kama rajo qabin, haddana ma hubo wadajooggeennu run iyo riyo miduu yahay.”

Run ahaantii, cabsida gabadh kasta ku dhacda habeenka aqalgalkeeda ka sakow, waxaa Bilan cabsiyi kaga abuurantay nolosha, dhacdooyinkii naxdinta lahaa oy soo martay.

Markaas isagoo xaaladdeeda sidaa u fahmay ayuu si uu cabsida uga bi’iyo kalsoonina ugu abuuro ku yidhi, “Bilaney waxba nolosha ha ka cabsoonin, waayo dunideer loxoska lagu yahay, oo yaabkeedu badan yahay, dadka ku nool haddii qof walba loo sii sheegi lahaa, ama uu lahaan lahaa awood uu ku sii ogaado, waxay aayihiisa nololeed ku sugnaan doonaan, in badan oo reynreyn iyo farxad ku jirtaan noloshu u dhandhanteen, in kaloo badan oo werwer qabtana farxad ayey la dillaaci lahaayeen. Hase ahaatee, in qaafil laga ahaado, timaadada ayey malahe dunidu door bidey, midey u roonaan doonto, iyo midey isla rogi doontaba. Aalaabana bani’aadamku waa kii dhibaatooyin la kulma, qofkiise samir ka yeesha waxba uma noqdo.”

Waxay tidhi, “Waa xikmad weyn, laakiin waxaan qabaa tabaalooyinkii aan soo marnay hore looma arag, kolleyba cabsidey gorgorkii iyo coomaadihii igu reebeen ha joogeene, isma lahayn, isku daygii Kuubbaankaad ka nabadgelin.”

Wuxuu yidhi, “Waa jiraan e aan sheeko gaaban kaa siiyo, sheekadu waxay tahay: Nin baa la yidhi, isagoo kabadha wata baa beelo uu is lahaa ganacsi ka samee dhex yimid, halkaasaa inta laga dhacay kabadhadii, naftiisiina dil loo diyaarshey, nasiibkiisase isagoo in la gowraco in yar loola saaran yahay, ayaa nimey saaxiib ahaayeen beeshii ka soo dhex baxay oo dilkii ka sii daayey, xoolihiina u soo celiyey, isla markaasna, isla maalintii gabadh uu dhalay buu u aroosay. Waa ninka ku maahmaahay, maalin baan taajir ahaa, oo haddana ceydh noqday, oo dil u taagnaa, oon haddana isla maalintii aroos galay. Miyaaney sheekadaasi sheekadeena u dhigmin?”

“Si fiican bey ugu dhigantaaye, sheeko xariirow ma run baa? Mise iga yaabisaye sheekadu waa sheeko baraley?”

“Waa mid dhab ah, ee ha ka yaabin,” buu ugu jawaabay.

Intey dhafoorada qabsatay, oo ay u muuqatay in cabsidii kaga ba’day sheekadiisii ayey tidhi, “Waxaan ka yaabay sida sheekadu ugu dhiganto teenna, sababtoo ah, waxaan hodon ka ahayn, dad, duunyo iyo dal aan xoolaheenna ku dhaqanno, nasiib darro intiiba caawa ceydh soogan baan ka nahay, xagga nolosha intaan geeri qarka u gaadhnay, oo cadow ma naxe ahi ina sigay waad garaneysaa, Illaahaase aayaddiisa ku yidhi, ‘Wa man yataqillaaha yajcal lahuu makhraja,’ ayaa inaga badbaadshay, arooskii arooskiisiina waa innagaas

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply