Dhibanaha Aan Dhalan Qalinkii Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) Qaybtii 11aad

Waxaynu Maraynay,iyadoo Dalal iyo Bilna Xero Qaxooti oo Hargeysa ah galeen Labdii Askarina,Ay Erateria,Jabhadii Dib u Xoraynta ka galeen, Hadday ururada samafalka muddo dhowr bilood ah daawo iyo baan ku hayeen Dalal iyo Bilan, oo nololi ku soo yare noqotay, ayna dhogor dad yeesheen, ayaa qaxootigii kale iyagoo si gaar ah ugu dedaalaaya u dhiseen buul bax iyo xaashiyo ka sameysan, si ay isugu aroostaan.

Markii buulkii loogu talagalay loo hooyey, arooskii iyo aroosadii, labo saddex qof ma’ahe intii kale tageen, ayaa cabbaar kaddib qabanqaabiyihii munaasabadda yihi, “Aroos laguma raago lagama raago’e inaga soo dareersha,” halkaas leysaga tegey Dalal iyo Bilan.

Wuxuu habeenkaasi ahaa, habeen, habeenkiisii ka horreeyey, roob laxaad leh oo miiraale ahi da’ay, oo dhulku reys yahay, neecow qaboobina dhaceyso. Wuxuu ahaa habeen meelo fogfog oo daruuro gudgude oo dabeyli shukaamineyso ma’ahe cirku kaad yahay, caadna haba yaraatee aannu jirin. Wuxuu ahaa habeen dayaxa Afrika oo nuurkiisa la ogyahay isagoo afar iyo tobnaad ah, uu baalka la soo baxay, in doora hadduu kor u kacayna nuurkiisii irbad dhulka ku dhacday isha lala waaweyn.

Wuxuu ahaa habeen jawigu aad u macaan yahay, oo labadii is aroostaa uu ishaaro fiican u yahay.

In cabbaar ah, haddii qofba qof sheedda ka eegay, oo qofba qof ku dheygagay oo leysku ashqaraaray, oo ruuxna ruux rumeyn waayey, kalana garan waayey is helitaankoodu, is filiwaa darteed, run iyo riyo miduu yahay, ayaa Dalal intuu kacay ag kadaloobsaday dermaday ku fadhiday, wuxuuna ku yidhi, “Waa midaan rumeysnaa min maalintaan harada ku kulannay ineynu maalin uun is aroosan doono, garanmaayo sababta, wuxuun baase sidaas igu yidhi, adiguse sidaas ma qabtay?”

“Maya, nololba kama rajo qabin, haddana ma hubo wadajooggeennu run iyo riyo miduu yahay.”

Run ahaantii, cabsida gabadh kasta ku dhacda habeenka aqalgalkeeda ka sakow, waxaa Bilan cabsiyi kaga abuurantay nolosha, dhacdooyinkii naxdinta lahaa oy soo martay.

Markaas isagoo xaaladdeeda sidaa u fahmay ayuu si uu cabsida uga bi’iyo kalsoonina ugu abuuro ku yidhi, “Bilaney waxba nolosha ha ka cabsoonin, waayo dunideer loxoska lagu yahay, oo yaabkeedu badan yahay, dadka ku nool haddii qof walba loo sii sheegi lahaa, ama uu lahaan lahaa awood uu ku sii ogaado, waxay aayihiisa nololeed ku sugnaan doonaan, in badan oo reynreyn iyo farxad ku jirtaan noloshu u dhandhanteen, in kaloo badan oo werwer qabtana farxad ayey la dillaaci lahaayeen. Hase ahaatee, in qaafil laga ahaado, timaadada ayey malahe dunidu door bidey, midey u roonaan doonto, iyo midey isla rogi doontaba. Aalaabana bani’aadamku waa kii dhibaatooyin la kulma, qofkiise samir ka yeesha waxba uma noqdo.”

Waxay tidhi, “Waa xikmad weyn, laakiin waxaan qabaa tabaalooyinkii aan soo marnay hore looma arag, kolleyba cabsidey gorgorkii iyo coomaadihii igu reebeen ha joogeene, isma lahayn, isku daygii Kuubbaankaad ka nabadgelin.”

Wuxuu yidhi, “Waa jiraan e aan sheeko gaaban kaa siiyo, sheekadu waxay tahay: Nin baa la yidhi, isagoo kabadha wata baa beelo uu is lahaa ganacsi ka samee dhex yimid, halkaasaa inta laga dhacay kabadhadii, naftiisiina dil loo diyaarshey, nasiibkiisase isagoo in la gowraco in yar loola saaran yahay, ayaa nimey saaxiib ahaayeen beeshii ka soo dhex baxay oo dilkii ka sii daayey, xoolihiina u soo celiyey, isla markaasna, isla maalintii gabadh uu dhalay buu u aroosay. Waa ninka ku maahmaahay, maalin baan taajir ahaa, oo haddana ceydh noqday, oo dil u taagnaa, oon haddana isla maalintii aroos galay. Miyaaney sheekadaasi sheekadeena u dhigmin?”

“Si fiican bey ugu dhigantaaye, sheeko xariirow ma run baa? Mise iga yaabisaye sheekadu waa sheeko baraley?”

“Waa mid dhab ah, ee ha ka yaabin,” buu ugu jawaabay.

Intey dhafoorada qabsatay, oo ay u muuqatay in cabsidii kaga ba’day sheekadiisii ayey tidhi, “Waxaan ka yaabay sida sheekadu ugu dhiganto teenna, sababtoo ah, waxaan hodon ka ahayn, dad, duunyo iyo dal aan xoolaheenna ku dhaqanno, nasiib darro intiiba caawa ceydh soogan baan ka nahay, xagga nolosha intaan geeri qarka u gaadhnay, oo cadow ma naxe ahi ina sigay waad garaneysaa, Illaahaase aayaddiisa ku yidhi, ‘Wa man yataqillaaha yajcal lahuu makhraja,’ ayaa inaga badbaadshay, arooskii arooskiisiina waa innagaas quluub is rabta oo in badan isu hiloobeysay isla ag fadhina, inta inaga dhiman waa la heli ee kadabaa inoo dheh.”

“Kadabaa, oo kadabaa oo kun kadabaa dheh,” buu yidhi. Goortuu intaas yidhi, ayey si fiican oo debecsan u dhiib dhiibsatay, oo gorodda hoos u rogtay, kolkaasuu gacantiisii midig qoorteed kor ugu soo toosiyey, oo isku soo jeediyey wajigeedii oo cusbur iyo cillaan ka dhalaalayaan, oo yare daawaday dhabanadeedii shushubnaa, suuniyaheedii intey dherer u dhignaayeen madmadoobaa, sanqaroorkeedii qorriinka wacnaa, iyo guud ahaanba quruxdeedii oo sideedii ugu soo noqotay, gacantiisii bidixna timihii baarka casuusa lahaa, ayuu hadba intuu taabtay tintin u miiqay, sidii uu u dabaayo.

Iyadoo in cabbaar ah la wada hadlin ayuu yidhi, “Haddaan suugaanta wax ka aqoon lahaa sidaan kuugu sifeeynaayo ayaan waagu iga beryi lahaa.”

“Oo maxaad odhan lahayd?” bey su’aashay.

“Waxaan ka bilaabi lahaa sifaha toolmoonaantaada, ilkahaaga, indhahaaga iyo inta aan hadda u jeedo ereyadaan:

 

Ilwaad qurux wanaagey               udug iyo carfooney

Ashqaraarka quruxeed                Eebbaa kugu maneystee

Ilkahaa ma luul baa?                   Ma aleel la qorey baa?

Amakaagga iyo yaab                    Markii aan ku eegaba

Qalbigey alwanayee                     Indhahaaga nuurkood

Ammaantooda waayeye              Ma ileys la shiday baa?

Agagaarka laabtiyo                      Iliishaa dhextaasha ah

Ubaxyadu hadheeyaan                Ogoobey ilxaaxsiga

Markii aan yar eegaba                 Weyska muuq arkaaya

Waa abuur Raxmaanee               Ma aaraa xareedaa?

Mise aadmi yaabyaye                  Waa aslida xariirtiyo

Aalad leysku daawado                 Muluggii addunyaay

Aan aafada illowne                       Arooskeenna ka dabaa.

 

Cod debecsan bey ku tidhi, “Horaan ku idhi afkumalable baa tahay, sheeko xariirnimana waa kuu raacday, saa ereyadaadaasi meelay i taabteen, ogowna murwo waxaa naruuro u ah, marna raaxo u ah, oy nolosha mahadisaa markay hanato wehel ay muddo dheer naawileysey, nafteeduna raalli ka tahay, oy ku nafisto nolol gacaltooyo iyo naxariis leh.waana sidaad u sheegtaye arooska kadabaa inoo dheh.”

“Haahe, waa runtaa, oo nin gabayaa ah oo reer Doolo ah baa gabay hore ugu yidhi ‘dumarkuba martoo laga furay mahad kuu sheegtaane’.”

Intey qososhay bey tidhi, “Ma kaa marmarsiiyaa, illeyn hadal kuma seego’e.”

Intuu kusoo durkey, oo gacmaha midkooda taabasho gacaltooyo dhadhameysa dhabanka iyo intaas qoorta ah kaga salaaxay tii kalena ku yare tafaguray buu ku jawaabay, “Haahey marmarsiiyaa martaa ii galay.”

“Odhaahdu sidaas ma’ahayne ma kaa ismaalaakadeed iyo u marmarsiiyo marfurkeygaa,” bey tidhi.

“Oo maxay kale caawa, iga ahaan lahayde?”

Goortaasey intey yare xoodatay qososhay qosol la yaqaan, iyadoo isla markaas indha isku qaqabaneysa, isna si le’eg ayuu qosol yaab leh ugu dhiftay, isagoo intuu haghago yeeshay hadalka googgeynaaya, kaddibna waxaa la wada qosley, qosol reynreyn iyo farxad ah…

Haddii haddaba xiisaheeda lehe, waxay oggoldiiddaba, aakhirkii si gacaltooyo ah, oo raallinimo ah dhaxanta leysaga dugsaday, oo hirarka raaxada iyo heehaabyadaas sare marba hir leysla heehaabay, naf waliba waxay taabaneysey iyo raallinnimo haakah tidhi oo wadajir loo mahadshay macaankii hanashadooda habeenka mudan, boholyowgii jaceylkana kaarkiisii laga bogsaday, ayey Bilan intey koob caano ah siisay markuu dhamay ku tidhi, “Sheekoba sheekey keentaaye, waxaa Dalalow la yidhi, nin guur doon ahaa baa beri saddex hablood u yimid, wuxuuna ku yidhi, isagoo garaadkooda intihinaaya, ‘Waxaad ii sheegtaan garow iidaankii, rag gogoshii iyo geel ooddiis.’ Tii u horeysay baa jawaabtoo tidhi, ‘Garaw iidaankii waa sixin lo’aad ha lahaado, rag gogoshiina waa weylaalis ha goglado, geeli ooddiisna waa ood weyn ku soo ood.’ Tii labaad baa waxay tidhi, ‘Iyana waa sida gabadhaasi u sheegtay, oo waa subag maakhiri lo’aad ah ha lahaado, rag gogoshiina waa salli darfooley ganfeedha ha goglado, geel ooddiisaa waa sidey sheegtay.’ Gabadhii saddexaad baa intey madaxa ruxday, tidhi, ‘Waxba ma aydaan sheegin hablow, ee garow iidaankii waa baahiyi ha kuu hayso, rag gogoshiina waa nabadgelyo ha heysto, geed ooddiina waa rag u lahow daafaca.’ Gabadhaas u dambeysay oo ninkii hablihii ka xushay baa aniga dad iigula xikmad ficneyd.”

“Maxaad uga jeeddaa?” buu weydiiyey.

Waxay ugu jawaabtay, “Waxaan uga jeedaa inkastoo markaan wax soo xusuusto aan uur-ku-taalloodo, oo meel i hafeeftaan, haddana caawaa indhoweyd nolosha adduunyo leyga tiriyaa, mar haddaan ha daldaloolee, roobna yaanu celine aan buulkan bacda iyo xaashiyaha ka sameysan nabadgelyo ku seexanaayo, aanna hubo inaan nabadgelyo kaga soo toosaayo berrito.”

Dalal baa qaatoo yidhi, “Waa runtaaye nabadgelyo wax ka wanaagsani ma jiraan, waxaanse kugu daray gobanimo, waayo wax kasta haddaad heysatid aasaadan nabadgelyo iyo gobanimo heysan noloshu innaba wax qiime ah maleh. Markaas nabaddaan heysanno tu inoo tirsami karta ma’ahe, waayo waxaynaan ka bogsan kareyn uur ka wahanka, daltabyada, caydhnimada iyo rajo xummada nololeed oo ina hortaal.”

 

 

 

Run ahaantii qof kasta oo bani’aadan ah, sida raggii hore u yidhaahdeen, waxaa hor yaal hawl uu subax walba u kallaho, si uu kibistiisa u xaqiijiyo, iyo hawo uu isleeyahay derajadaas gaar, waxeer hel, ama maruun baad wax noqon. Waxaa kaloo harreefo socda faa’ido iyo khasaare miduu u dhacoba, waase qof iyo nasiibkiis. Waxaa kaloo qofka gadaalo socda geeri iyo gabow mid soo hor gaadhaba.

Markaas dad kasta oo qaxooti ah, oo dunida ku nool, waxaa keliya oo hawl u ah safaf u galka sacabsaarka looga soo baaheeyey dad qayrkood ah, xagga himilada noloshana inta male’awaalku ka lumo, ayaa habbiso la saaraa mustaqbalka mugdi uga soo dhigta, kuna abuurta isnac, kalsooni daro iyo rajo beel nololeed, naf yiddidilo dhigtay oo rejo beeshayna geeri waxba ma dhaanto, saa bani’aadanku waa noole rajo ku nool ah.

Bilan baa hadalkii halkii ka sii waddoo tidhi, “Dalalow daltabyada iyo rajaxumada nololeed mid baa iiga sii daran, waxay tahay taasi, waxaan ku riyoon jiray, ogow riyo waa jirtaa’e kuwaan gacalka ahayn ee riyadaasi macaaneydaa, waxaan ku riyoon jirey anoo hadba dooxo cagaaran asaagay la jooga ee iyana macaaneydaa, wax aan kaloo ku riyoon jiray adiga markaan kuu hiloobo ha u macaanaatee lacdankeennii harada, laakiinse hadda cabsida igu abuurantay aawadeed, waxaan habeen walba ku riyoodaa riyoorin xun oo aragagax leh, weliba waxaa ii dheer sida dadkaan ayaamahaan la noolaa sheegeen, hurdadaan ku sasaa, oo iska hadlaa intaan isla soo tooso. Markaas ha iga yaabin haddaan caawa hadba qar jeexo oo iska hadlo, iina dulqaado waa maqaadiire.”

Haddii haasaawihii, iyo sheekadii lays dhaafsanaayey intaas ku ekaadeen, oo qofba si raaxo leh doc ugu gam’ay, ayey Bilan goor habeenkii kala badhan yahay, sidey sii sheegtay sastay oo iska hawstay, kaddib markii riyo lagu horkeenay hooyadeed Cawo, oo wejigu diiran yahay, gacanina rnaqan tahay, habardugaag badanina hareera gaafaa gurdeynayaan, gorgorkii iyo coomaadihiina ilme yar ku hor hiigayaan.

Dalal markuu isla hadalkeedii maqlay buu soo ag fadhiistay si uu u dhegeysto bal waxay ku hadleyso, mise waxay leedahay, “Eeg, eeg wuxuu isku deyayaa ilmuhu inuu debnaha kala furo, kalase furiwaa. Hohey, waxaa iga yaabshey sidey indhihiisa uga muuqato tagtada uur-ku-taalladeedii, timaaddada fogna u oddorosayaan.”

Dalal intuu ku soo durkay buu ku yidhi, “Aamus oo sheydaanka iska naar.”

Mey aammusine, sidii bey kala go’ la’aan hadalkii u wadday, ilaa uu biyo qabow intuu soo qaatay madaxa kaga shubay, dabadeedna intey naxdey tidhi, “Ma roob baa da’aaya?”

Wuxuu ugu jawaabay, “Maya’e waad sahwiday oo isla hadashay, ee maxaad la sahwiyeysaa is halmaansii adduunyada oo seexo.”

Waxay hadal hoose oo baroor ah ku tidhi,

 

“Saxariirka noloshaa                   sahwiga ugù wacanoo

Saqda dhexe alleylkii                   waxaan hadba ku selalaa

Seyncaddaale haadkiyo             sirgigaaye Kuubbaan

Saqiirkiyo kabiirkey                      sarwejida ka bixiyeen

Sawaxan meytidoodii ‘               qubuuraha ka sarey kacay

Saxanow macaanow                    aan ma seexan karayee

Sacabada kalgacalkiyo              sidrigaaga igu qabo.”

 

Intuu gacmaha u fidiyey oo dhabta ku soo qabtay buu si uu cabsida uga bi’iyo yidhi:

 

“Saxaney macaaney        seyncaddaale haadkiyo

Sirgigaaye Kuubbaan      surunsuur ka nooley

Seymaha adduunyada    saha iyo colaadaha

Saatir baa abuuro             koley saxar ahaataba

Ninba saaci weeyo            wuxuun buu ku sababaa

Samirkeeda yeelo             saskiyo cabsida iyo

Seymaha adduunyada    saha aad illowdide

Sacabada kalgacaliyo     sidrigiyo qalbiga hoo.”

 

Inkastoo uu sasabay, oo dhabta ku soo qabtay, gacmihiisiina huwiyey sidey ka bariday, haddana ma aammusine waa ka sii dartay.

Markuu Dalal ka yaabey, buu intuu wejigeedii marada ka qaaday, oo ilmo dhabannada qoysay ka bi’iyey ku yidhi, “Belaayo aan kaa yaabin belaayo ma’ahe, mala in lagu furdaanshaa u baahan tahay, berritaan wadaad kuu kitaab fura, oo belaayo xijaab kuu akhriya kuu keenayaa.”

Waxay tidhi, “Furdaamisaa, furdaamisaa! Ayaankee! Ayaankee la helaa.”

 

La’soco Qaybta 12 aad ……

Waxaa Qoray Buuggan: FAARAX MAXAMED JAAMAC “Cawl”

Waxaa idiin soo xulay Buuggan Qiimaha Leh: Bahda Hawraar Murti Iyo Madadaalo

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply