Dhibanaha aan Dhalan Qalinkii Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) Qaybtii 4aad

Waxaynu Maraynay, Bilan oo madaxii aastay Ducana kaga tagtay…..Goorey yaaban tahay, jawiguna dhadhamaayo hoog iyo ba’ iyo jawi geeriyaad, qorraxdii ay keligeed weheshaneysana u muuqatay inay sii dhacayso, habeenkiina gudcurkiisii iyo waxuu cabsi lahaa isla soo madoobeeyey, oy isleedahay meesha iskaga tag, ayey waxay heshay kitaabkii Quraanka ahaa ee aabbaheed. Intey qaadday oo boodhkii ka tuntay,ayey aayaddaan kaga soo baxday baalashay kala bixisay akhriday, oo tiri, ‘Alla-diina idaa asaabat-hum musiibatun qaaluu innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun’. Waxayna dareentay markay aayaddaas akhrisatay, labo saddex jeerna intey kitaabkii laabta saartay dhunkatay, in isla markiiba cabsidii ka yaraatay, yididiilo hor lihina gashay. Waxayna goobtii uga dhaqaaqday haddii gabalkii dhacay xagga Waqooyi, si aaney habardugaaggu ugu soo weerarin goobta raqda. In yar haddey goobtii ka socotay bey waxay heshay waa qoys halaagmaye, wiilkii reerka u yaraa ee walaalkeed ahaa, Haybe oo lug ka dhaawac ah oo dhiig baxay, hase ahaatee, ha taag darraadee weli nool. Marey lugtii uga xidhay mana fogaane waxay la gashay geed jiq ah hoostiis. Cirka daruurtu waa ku soo kordhay, wuxuuna u muuqday sidii mid da’i doona, Bilanse intii fiidkii hora ahayd daalkii iyo diiftii heysay ayey la gataati dhacday, oo waxba jawiga iyo galow ciyaayey kama ogeyn, Haddiise habeenkii saddex dallooloo dalool tegay, ayaa la horkeenay dhacdooyinkii maanta, waxayna ku soo toostay gurxan iyo reen habardugaag oo aan kala go’ lahayn, oo goobtii raqdu ahayd ka yeeraaya, iyo wiilkii yaraa oo ku ooyaaya oo leh, “Hooyo meedey caano ha i siisee? Aabbe mee ha i qaadee? Walaaley gaajaa i heysa’e.” Intey dhabta soo gelisay inankii, bey sidii ay la faqeyso dhegta afka u saartay oo iyadoo baroor iyo calaacal isku dareysa ku tidhi, “Haybe walaalow, illeyn daa’imaad tahaye, dhallaan garaad la’ baad tahaye, xaggee aabba iyo hooye joogaan, sow kuwaas raqdoodii bahaluhu ku loollami. Wahay halaaggii adduunyada, waxuu heero leeyahay, hoog iyo ba’iisii, hohey leyna huwiyey, ma habaar Raxmaan baa?” Iyadoo ilmadeedii inanka madaxiisii qoysay gacanta kaga tirtireysa oo madaxa u yare salaaxeysa, si ay u sasabto ayuu haddana yidhi, “Walaal biyo i sii. Walaal habaryari meeday? Hooyo iyo ayeeyo meeye?” Intey ilmadii indhaha ka dareereysay afka u marmarisay si harraad bax ha joogee, afka ugu qoyso ayey tidhi, “Caku! Habeenku dheeraa, dheeraa dhib badanaa, harraad biyo la’aan iyo hiirtaanyo badanaa, xaggee biyo ka keenaa? Intey yare aammustay, haddana tidhi, “Waxaan hodonka yaasiin, Haybow ka yu’anaa, inuu hoobaalkii Dalal, haasaawaha macaanaa, naftaa ku himbilayootee, halaakada ka dhowraa.” Inankii baa yidhi, “Walaal dhanaanaa biyahaad afka iimarisay.” “Haahey walaal, lama yaabbani, oo biyo ma’aha’e waa ilmo urugeed, waana dhanaan tahay.” Waxay habeenkii oo dhan gelinkiisii dambe calaacal iyo boohin iyo cabsi ku abaaddey, waagii hadduu beryey ayey intey willkii xambaarsatay xagga cadceed ka soo bax ula dhaqaaqday. Bacdamaase aanay raqdii hooyadeed weli arag wax u xaqiijinaaya, tuhun baa galay iney dhaawac noqotay, amaba nooshahay.

 

Waxay markaas goosatay iney goobto raqdeedii si ay u samirto. Sida keliya oy ku raadin kareysaana ay tahay haddey intey dhaawacantay meel kale dhaawacii ugu dhimatay, iney arki doonto meesha haadku ku hindiwaasaayo, haddey nooshahayna maruun is heli doonaan. Waxay socotaba oo marba jiho fiiriso, goorey duhur tahay oo gaajo iyo baahi la liidato, wiilkii yaraana indhuhu jillaadmeen oo aad moodeysid iney qaarka dambe ka soo baxday, ayey meel in cabbaar ah u jirta ku aragtay haad badan oo dul heehaabaaya, shaki la’aan iney goobta raqdeedii tahay ayey la ahaatay. In yar kaddib markay u soo dhowaatay goobtii waxay aragtay dawaco iyo gorgor noociisa aan kii shalay laga aqoon oo marba mid la baacsanaayo. Marka dawacadu gorgorka baacsanayso ma duuli karo’e intuu in masaafo ah hagagaf yiraahdo ayuu dirqi ku duulaayey. Markuu sammadda ka soo degenaayona intuu isa soo kankoorsho oo baalasha soo kala bixiyo ku dhabbaaxaayey baalasha dawacada, goortuu ka eryoodona si deg deg ah wax u hiigaayey ilaa dawacaduna ku soo rogaal celineyso oo iyana markay markeeda ka eryooto wax dudubineysa. Markaan itaal dari awgeed wax hubsi ma’ahe itaal mahayn ay raqda ku ururiso amaba ku aasto sidii kuwii hore. Sidaas darteed, dawacadii iyo gorgorkiiba markay eriday ayey isa soo dul taagtay, inkastoo ay raqdu lafo soogan ahayd, haddana markey dharkii filiqsanaa aragtay, waxaa u caddaatay raqda meesha taal iney tahay tii hooyadeed. Wax kale ma sameyne intey inankii xambaaradii ka furtay oo is agdhigtay ayey isku dul tuurtay raqdii oo intey oyday hadba lafihii iyo feerihii soognaa taataabatay, goorey ooyeyso oo hadba laf diiran taabaneyso bey waxay aragtay gorgorkii oo intuu baalashii soo kala bixiyey xaggeedii u soo rooraaya oo ‘cacaw… caaw caaw’, leh, ciilkey u qabtay ayey iyadoo ku haliileysa tiri, “Naga tag aabbaad cuntay, hooyaad cuntay, waxba miyaadan reebeyn?” Goortuu arkay iney dhagax u soo sidato ayuu dib isu rogey. Iyana kama harine cagtey cagta u saartay markey aragtay gaabiskiisa, maxaa yeelay, sidii diyaaradaha xamuulka ee waaweyn ayuu weynaan iyo dhereg la duuli kari waayey ilaa uu in doora orday oo gaari xawli uu kor isugu qaado karo. Markan Bilan wax kale fekradeeda kuma soo dhicine, lafahaaga la baxso ayaa u muuqatay. Halkaasey intey kitaabkii qoorta suratay cagta dhaqaajisay. Waxay eegtay sammada, mise gorgorkii oo haad oo dhammi gelbinayaan siduu boqorkoodii yahay ayaa dul heehaabaaya siduu iyadana ilaashanaayo. Waxay maalintii marba luudo, marna nasato, marna kor iyo gorgorkii iska ilaaliso, goorey yaabban tahay oy casar liiq tahay ayey sawaxan ka maqashay horteeda. Rajo intey gashay ayey tallaabadii kordhisay, hase ahaatee intaaney gaarin ayaa gabalkii dhacay. Qiyaastii saacad kaddib bey waxay maqashay hadalo aan caadi ahayn, waxay u fahamtay ayaandarideeda iney soo dhexgashay ciidankii Xabashida iyo Kuubbaanka saldhiggoodii, labo dhagax dhexdood ayey gashay oo shafka dhulka u dhigtay. Haddey qaddar saacad ah meeshii ku jirtay, baa waxaa in yar u soo jirsaday askari gaafameer ah oo buntukh sita. Intey naxdin la jiriricootay ayey isla hadashay oo tiri, “Maya, maya, ma rumeysan karo saldhiggii Xabashida iyo Kuubbaanka ayaad adoo cidihii keligaa ka badbaaday afka uga soo gashay.” Waxay ku celisay, “Ayaaadarriyaa, maxaa leyla maagay?” Waxay is diidsiiso halistay ku jirto, intii hore, ugu dambeystii xaqiiqsatay iney debinkii cadowga gashay, waxayna uurkeeda iska tiri, “Alla baa dhulku ila go’.” Intey sidaas ku caloolyoobeysay, baa askarigii hareeraha ka dhaafdhaafayey ku soo dul fadhiistay labadii dhagax oy hoos gashay. Bes beyba ka noqotay, oo sidii wax mar hore naftii ka baxday naxdin darteed ayaa xubin dhaqaaqda la waayey. Waxay isku dayday si ay u sii qarsoonaato iney neefta isku celiso, hase ahaatee rugrugtii wadnaheeda ka yeereysa ayaaba ka yaabshay, sanqadh kasta oy maqashana ha ahaato canbuudha fooryeysa, ama ha ahaato laamaha dabeysha foore isku xoqeysa cabsideeda ayey kordhinaayeen. Askarigii dul fadhiistay dhagaxay hoos gashay ayaa wuxuu jeebka kala soo baxay buskud iyo cunto kaloo qallalan. Raamsigiisii markey maqashay ayaa gaajadii haysay ka xoog roonaatay cabsideedii, waxayna sii jeclaysatay inuu iska dul fadhiyo, kaddib markey mar iyo labo jeer jajab dhulka uga soo dhacay ay abaabtay. Aakhirkii ayaa mar xabbad dhan oo buskud ahi ka soo dhacday, halkaasoo markuu is yiri soo qaado uu dareemay qofka meesha ku jira. Intuu ku naxay ayuu bitijoor ku qabtay oo iskaga baqdin riday rasaas. Nasiib wanaag doc ayey ka martay, waxayna cod debecsan oo dumar ku tiri, “War ii naxariiso!” Askarigii goortuu qof dumar ah u gartay ayuu intuu doc uga joogsaday hub ka baaray. Askari kale oo ku dhowaa oo rasaasta maqlay ayaa ku yiri, “Ma gobanimadoon baa?” “Maya, dhurwaa buu ahaa, oo cararaayey,” buu ugu jawaabay, dabadeedna waa uu sii ifiyey, waxuuna u arkay iney tahay gabar qurxoon, hase ahaatee wajigeeda iyo guud ahaanba darxumo ka muuqato. Waxuu kaloo arkay inay inan yar oo liita xambaarsan tahay, qoortana uga laadlaado kitaab Quraan ahi. Bilan mar haddii la qabtay, talo kale ma leh inaad dhimato mooyee ayey isku qancisay, kolleyba dhimataye haddey isku qancisay ayey iyadoo gargariireysa buraashaddii faraha ugu fiiqday oo tiri “I waraabi.” Ayaankeeda askarigu waxuu ahaa mid naxariis badan oo waxuu fali lahaaba askari naag dagan ma daayee, inta naxariis u gashay ayuu buraashaddii u dhiibay, waxay ugu horreystii afka u saartay inankii, markay biyihii laasatayna wax uu siiyey hal xidhmo oo buskud ah. Askariga oo magaciisa la yiraahdo Cusmaan Saalax, oo u dhashay Eritariya, markuu sii fiiriyaba Bilan waxay ula ekaatay gabar ay walaalo yihiin oo Sannuuba la yiraahdo, oo maalintii askarinimada loo soo qafaalaayey ka soo daba oyday. Waxuuna intey biyihii cabbaysey ka fekeraayey sababta meesha keentay, ayna u dhex timid meel aan looga naxayn, iney tahay mid culus oo dani badday. Cusmaan fekerkiisii intaas keliya kuma ekeyne, waxaa si dhab ah oo damqasho leh loo horkeenay, in hooyadiis iyo gabdhihii walaalihiis ahaa, khaas ahaan Sannuuba oo uu qoyskooda u jeclaa, ama guud ahaanba shacbiga reer Eritariya ay silicaas iyo ka sii daran ku sugnaan karaan, isla caawadaan. Hadduu sii fekeraba tiiraanyo ayaa ku sii kordheysay, ilaa uu waxuu buskud heystay siiyey, shayaadiisiina u bixiyey si ay roob bilaabmay uga dugsato. Wuxuuna ku yidhi, intuu faraha kula hadlay iney meesheeda seexato, ilaa waagu ugu beryaayo. Run ahaantii, sida aalaaba dhacda dadka isku duruufta ahi inkastaanay is afgaraneyn haddana eegmada iyo dareenkooda dadnimo ayey isku fahmaan. Sidaas darteed, Bilan iyo Cusmaan si dhab ah ayey isu wajiyo iyo uur akhristeen. Aroortii intaan qorraxdu soo bixin ayuu yidhi, “Roox min hunaa,” intuu faraha kala hadlay. Iyadoo u qaadan weyday raxmadiisa iyo siduu u dhowraayo ayey tidhi, “Ma Xabashi baa tahay mise Kuubbaan?” Intuu fahmay oo qoslay buu madaxa ruxay oo yidhi, “Anaa Eriteriyan.” Hadduu sidaas yidhi, bey intey naxdin goysay tidhi, “Miyaanan garan.” Waxay kaloo weydiisay, “Dalal ma idiin maxbuus baa?” intey gacmaha isi saartay sidey isku xidhan yihiin. Mar labaad bey haddana ku celisayoo tidhi, “Dalal maxbuus?” Cusmaan su’aasheedii ma wada garane waxuuse ka gartay Dalal maxbuus, halkaasoo uu ka cabbiray in cid magacaas la yiraahdo ka xidhan tahay. Magacii ayuu xafiday. Dalalna waqtigaas waxuu ku xidhnaa isagiyo dhallinyaro kale oo fara badan meelaan ka fogeyn. Waxuuna ku yidhi, intuu faraha kala hadlay, “Ismak? Ismak?” Nasiib daro wey af garan weyday, aakhirkii buu yidhi, “Anaa Cusmaan Saalax.” Markaasay intey ujeeddadiisa maleysay ku tidhi “Anaa Bilan Aw Jaamac.” Goortaasuu buraashaddiisii oo uu biyo uga soo buuxiyey qoorta u suray, oo ku yidhi, “Meeshii min hunaa yaa Bilan.” Iyadoo waxay ugu jawaabto aan garaneyn, hase ahaatee wajigeeda laga garanayo mahad iyo abaalqab weyn inay u heyso, ayey intey gacanta u fidisay salaantay oo ku tidhi, “Noolow Eritariya. Salaama’e maxbuus Dalal raadi,” oo cagtay ka waday. Cidliyi cabsidey leedahay ka sokow harraadka iyo gaajada haysay ayaan hadba hugunkii dhegaheeda ka baxaayey looga dhigaayey sawaxan samada uga yeedhaaya, marmarna hadhkeeda oy wehelkeeda keliya u arkeysay ayaa hadba bahal barbar socda looga dhigaayey, markaasay intay bisinka qabsato oo inanka yar dhabarka gosha uga soo wareejiso orod guclaysaa, mar marna intey meel rabad ah ku cagaagtay cagihii qaadi kari weydaa, oo hadba maro ku duubtaa, marba labada cagood tii darraata. Waxay qeedhiin ku quudatay markay wax kale weyday midhaha yicibta quudka fiican ah, qaarna dacalka sahay ahaan ugu xidhatay, marar waxay heshay murcanyo iyo dhafaruur bislaaday oy inanka qawlada kaga dhacaaminaysay markuu afkii kala qaadi kari waayey. Bacdamaa Xabashida dagaallo gobanimadoon ahi gobollo badan kaga socdeen, sida Soomaali Galbeed, Eritariya iyo Tigree, waxay habeysay siyaasad ah iney dhallinta gobolladaas intey khasab ku ururiso ka dagaal geliso gobolkey u dhasheen ma’ahe gobol kale, khaas ahaan kuwa kala durugsan.Halkaasna markay tagaan dal aanay garaneyn dadkiisa iyo deegaankiisa ugu dhintaan ujeeddo la’aan, iyagoo xabbad gadaal lagaga hayo, horena ay kaga imaaneyso tii gobanimadoonka laga horkeenay, amaba sida askari Cusmaan u fahmay si dadban u daafacaaya isla cadowguu kula dagaallamay dalkiisa.Sidaaa darteed, askari Cusmaan waxuu gartay Dalalkey gabadhu sheegeysay, inuu ka mid yahay dhallinta ayaamahan danbe miyiga laga soo ururiyey, oo ciidankuu ka tirsan yahay u xidhxidhan, Eritariyana loo diyaar-gareynaayo iney ka dagaal galaan. Cusmaan markuu waaridiyihii ka degay aroortii, waxuu doontay askari kale oo reer Eritariya ah, oo ay saaxiib aheeyn lana yidhaahdo Ibraahim Cawed. Waxuuna uga warramay waxuu habeenkii la kulmay oo dhan. Ibraahim isagoo aan rumeysan sheekada, waxuu ku yidhi, “Nacas baad tahay, ma waxaad i leedahay xaloo dhan ayaa gabadh ila joogtay, oo aanan la dheelin? Hilibka ninkii cuni lahaa lama siin, walle anigu waa jajabsan lahaa, baahida dumar ii heysa.” Wuxuu ugu jawaabey, “Iska daa hunguriyeyne, markaan arkey diifta iyo dacdarrada heysay, ayaanba ooyey. Teeda kale waxaa ley horkeenay siday ku dhacday mooyee, hooyadey iyo gabdhihii walaalahey ahaa iney darxumadaasoo kale ku nool yihiin, weliba waxay iila ekaatay oo layga dhigay gabadh walaashay ah oo la yidhaahdo Sannuuba oo maalintii ley soo qafaalay oo dhan iga daba ooyeysay. Wax kala ma’aha, waa dhacdo wax laygu tusaaleynaayey!” Isagoo Cusmaan sii wata, wuxuu yidhi, “Gabadhii waxaan siiyey buskudkeygii iyo xitaa kabaheygii oo aan u siibey, waxayna dhowr jeer igu tidhi, markey baxeysay, ‘Dalal maxbuus, Dalal maxbuus raadi… Raadi’.” “Maxaad u garatay ‘Dalal maxbuus’?” “Waxaan u gartay in cid magacaas la yiraahdo ka xidhan tahay ee aan isku dayno inaan ka hello maxaabiista oo fikinno.” “Nacas intaan naf kale fikin lahaa baan teyda fikiyo,” ayuu ugu jawaabay Ibraahim. Taasuba waa talo, laakiin hadda haddaad fikatid xaggeed gaadhi kareysaa? Illeyn dad iyo dal toonna ma kala taqaanide, waliba dharka Xabashiyeed ood sidatid iska daa’e ciiddaan ku badbaadineyn.” Iyagoo hadalku halkaas u maraayo, ayaa waxa soo agmaray sarkaal Kuubaan ah iyo sarkaal Xabashi ah oo la socda, waxaana Kuubaankii ku yidhi, sarkaalkii Xabashiga ahaa, “Ha u oggolaanin askarta iney wada hadlaan ama iska wada sheekeystaan, mashquul ka dhig, kana kici labadaan meeshan,

La’soco Qaybta Shanaad……

Waxaa Qoray Buuggan: FAARAX MAXAMED JAAMAC “Cawl”

Waxaa idiin soo xulay Buuggan Qiimaha Leh Bahda

Hawraar Murti & Madadaalo

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply