Dhibanaha aan Dhalan Qalinkii Faarax Maxamed Jaamac (Cawl) Qaybtii 6aad

Waxaynu Maraynay
sarkaalkii Xabashiga ahaa, “Ha u oggolaanin askarta iney wada hadlaan ama iska wada sheekeystaan, mashquul ka dhig, kana kici labadaan meeshan hana la khasiro.”
hana la khasiro.” Sarkaalkii Xabashiga ahaa baa isagoo aan raalli ka ahayn amarkaas Kuubaanku siiyey, buu Cusmaan iyo Ibraahim ku yidhi, “Saacad kaddib xafiiska ha leydin keeno, dembi ayaad ku jirtaane, madaxdiina sidaas u sheega.” Labadii askari iyagoo amarkii racaaya ayey meeshii ka dhaqaaqeen.

 

Haddeyse in yar meeshii ka socdeen ayuu Cusmaan yidhi, “Ibraahinow anoo Xabashida ku neceb waxay Eriteriya ka waddo baan sii ciishoodaa markaan arko Kuubaan dalkii iska maamulanaya oo mararka qaarkood marwooyinkooda iyo hablahooda kufsadaan iyagoo u jeeda, runtu waxay tahay kuwa ina heysta iyana waa la haystaa.” Ibraahim baa qaatoo yidhi, “Waxaan garan la’ahayn labo sanno ka hor Kuubba waxay taageeri jirtay shacbiga iyo xornimada Soomaali-Galbeedda aan joogno iyo reer Eritariya, waxaan xasuusanahay aabbahay oo tababar Haafaana u tagey, rnaxaa isbeddelay labada meeloodba? Ma garan taariikhda baase sheegi!” Saacad kaddib, markii labadoodii la hor geeyey sarkaalkii wuxuu ku khasiray in loo beddelo labadoodii ilaalinta maxaabista. Cusmaan habeenkaas oo aanu lahayn wax hawl ah, waxuu doontay Ibraahim oo markaas waardiye ka soo degay waxuuna ku yidhi, “Waxaan maantoo dhan ku fekeraayey, su’aashaadii ahayd fikashada, goortaan si walba uga fekereyna waxay iigu muuqatay haddaan maxaabiista fikinno, iyagaa dad iyo dal aqoon inoo noqon doona, ma i af garatay Ibraahim?” “Waa runtaa, dhallintaan maalmahan soo ururineynay haddaan la fikanno labo faa’iido ayaa ku jirta. Ta hore iyagaa dalkooda iyo dadkooda inaga badbaadin karaaya, tan labaad waa cudud aan ka baajineyno inaaney Xabashidu kaga faa’iideysan Eriteriya, ee aan arrintaas qorshaheeda dhigno, waa fekrad fiicane.” Isla markey xabsigii ka hawl galeen, waxay qorshahoodii ka bilaabeen tirin maxaabiista iyo inta hubka ku dagaal geli karta, waxay kaloo Cusmaan iyo Ibraahim isku xidheen askartii kalee reer Eritariya oo midkooda ahaa waardiyaha Kuubaanka ninka madaxda u ah. Intey Cusmaan iyo Ibraahim hawlaha fikadka qorsheynayeen, Dalal waxuu beerka u jiifay meel u dhow isaga iyo rag kaloo dhawaan la soo qabtay, waana ugu ladnaayeen maxaabiista. Qaarkooda inta badan la hayey waxay keliya oo iney nool yihiin isku garanayeen damqashada kaga timmaada qaniinyada injirta,

oy cunaayeen gaajo darteed, hadba tii dhiiggooda ku naaxday, oy markaas cidiyahooda ku qaban karayaan. Aroor labaaddii markii waagu beryey, ayaa inta dhowr dhallinyaro ah laga soo saaray xabsigii lagu guray baabuur xaabo ciidanka u soo guraaya. In cabbaar ah haddii xarunta laga socday, baa meel duur ah baabuurkii la joojiyey, oo inta koox koox loo qaybshay, kooxba jiho loo diray iney xaabada ka soo ururshaan, iyadoo koox walba labo askari hareeraha ka ilaalineyso. Layaab lehe! Gooruu Dalal hadba dogob liiliijinaayo ayuu gadaashiisa ka maqlay cod leh, “Dalal, Dalal, Dalal.Dalal, Bilan, Bilan, Bilan.” Intuu naxay buu is yidhi, “Malaha xagga sammada ayaa lagaala hadlay.” Samada ayuu eegay intuu bisinka qabsaday. Maqli waase wax danbe. Haddana gooruu iskaba halmaamay ayuu sidii hore waxuu maqlay “Dalal. Dalal.” Markan waxuu is yidhi, “Waxba ma jiraane, malaha wahanka ku haya ayaad adigu isu dhawaaqeysaa, oo dhegahaaga ayaa ku khayaameynaaya.” Marna shaki baaba galayoo waxuu is yidhi, “Talow ma malaa’ig baa ku wacaysa, maxaase Bilan laguu xusuusinayaa oo looga dan leeyahay?” Fikrado badan ayaa ku soo dhacay. Aakhirkiise waxuu tuhmay, labada askari midkood u dhowaa inuu magacaabay, kaasoo ahaa Cusmaan, oo ku xaqiiqsaday markuu magacowgiisii ku jalleecay inuu Dalal yahay. Dalal isagoo jiho wareersan ayuu baabuurkii wax ka fuulay, wuxuna arkay markii baabuurkii la dhaqaajiyey, isla askarigii iyo mid kale oo indhaha ku haya, marmarna is tusaaya, wuxuuna isku dayey inuu wejigooda akhriyo, hase ahaatee, in kastaano cadownimo ku arag, haddana waxba waa ka maleyn waayey, cabsi baase gashey waxay u danleeyihiin. Warfaa, oo isla maalin la soo wada qabtay oo agfadhiyey buu intuu xusulka ku gujiyey ku yiri, “Bes aniga waa ii dhammaatay nololi.” “Maxaad aragtay?” buu Warfaa weydiiyey. Wuxuu ku jawaabay, “Ilaa maanta waxaa i daba joogay ilaa haddana indhaha iga qaadi la’ askarta labo ka mid ah, marmarna indhaha igu gubaaya.” “Iska calool adayg,” ayuu ugu jawaabay. Intey sii socdeen ayaa roob shuux ahi jidka ku helay, oo xaabadii iyo raggii isku qooyeen, haddiise xaruntii la tegay, oo xaabadii la dejiyey ayaa maxaabiistii labo laga soo soocay loona leexshay geed aan ka fogeyn xabsiga, oy fadhiyeen dhowr nin oo Kuubaan ahi, waxaa isla geedka hoos jiifay neef dameer ah oo xirxiran, Kuubaankii mid ka mid ayaa dameerkii xabbad ku dhiftay. Labadii dhallinta laga soo saaray, oo kala ahaa Cali Dalaar oo Dalal beretan kula jiray xagga Bilan iyo mid kale, baa waxaa loo dhiibay labo mindiyood si ay dameerka ugu qalaan Kuubaanka. Cali isagoo iska ilaalinaaya inaan wax iin iyo ceeb ah Dalal ka helin ayuu ugu horreystiiba diidey inuu mindidii qabto, kii kalena waa ku dayday oo isna waa diidey. Halkaasaa madaxii Kuubaanka rasaas ku furay, isla goobtii ayuu Cali ku dhintay, kii kalena dhaawac ahaan looga qaaday. Dalal iyo mid kalaa la soo saaray, oo lagu yidhi, “Qala dameerka.” Khasab beyna ku noqotay markey arkeen waxa kuwii hore ku dhacay iney neefkii qalaan oo ay cad cad u googooyaan. Goortii dameerkii hilibkiisii la bisleeyey, qaarna ceyriin yihiin la soo dhigay oo Kuubaankii oo madow u badani soo fadhiisteen geedka hoostiisii, baa mid Dias la yiraahdaa yidhi, “Waan ka xumahay labadii dhallinyaro ee layska toogtay.” Raul oo madaxii kooxda ahaa baa yidhi, “Sabab?” Dias baa ku noqdoo yidhi, “Sababtoo ah dameer bey qali waayeen in loo dilo labo nin ilama fiicna, teeda kale miyeynaan damiir lahayn, oo ogeyn qaaraddaan aynu ku amar ku taagleyneyno, iney tahay tii awoowayaasheen qarniyo ka hor addoon ahaan looga iibsaday, waa tiiraanyo xaalladdaani.” Raul ayaa qaatoo yidhi, “Iga daa kuwaasi doqon bey ahaayeene, kuwanina iyagaa dambiga iska leh, iney colloobaan, Kuubbase iyo meesha kaloo looga sii taliyo dan baa ugu jirta in gobolkan colaadi ka jirto. Haddii kale ma helleen barwaaqaddaan raqeyno oo kuwa inoo soo ugaaraayaan, kuwana inoo qalayaan, oo waliba ku toogtooganeyno sidaan doonno kuwaan yeelin. Iska aammusa saaxiibbayaal haddey nabadi dhacdo waxaa ina hurran hilibkii miilada ahaa ee Hafaana. Sidaas darteed, waa faa’iidadeenna ee halkaas ku daaya waxaan heysanaa khamro, cunto iyo weliba dad inoo shaqeynaaya madax iyo majo’ xaggee intaas ka heli lahayn? Kolleyba intaas dalkeennii ka helimayno.” Dias baa hadalkii ku noqdoo yidhi, “Kolleyba anigu waa tiiraanyoodaa min maalintaan akhriyey sheekadii qoraagii weynaa Aleks Helay, ee Roots, khaas ahaan markaan arko dhacdooyin la mid ah kuwuu buuggiisa kaga sheekeeyey, oo raggeennaan halkan fadhiya awoowayaashoodii ku dhacay, kaddib markii awood looga qafaalay Afrika qarniyo ka hor.” Sheekadii oo raggii kale xiiso gelisay awgeed, buu halkii ka soo waday Dias, isagoo leh “KUNTA — KUNTEE — KUNTA— KUNTEE garbahay xannuuna markaan xasuusto markii kunta hoobalkii sheekadaas, jilbaha dhulka loo dhigay, oo mid ma naxe kireysan ahi, maddane kulul oo kuleyl la caddaaday dabka kala soo baxay, oo halkaas labada garab dhexdooda ah, xoog ugaga dhejiyey; qiiqii ka soo baxay dubkiisii huruushoobeyna kii wax suntaayey wax ka arki waayey. Taahuu aah… aah, yirina afkuu kala qaaday dib isugu keeni waayey labadiisii fuq, ilaa uu ciidda qaniinay.” Mid raggii kale ka mid ah baa yidhi, “Anigaaba jiriiricoodee muxuu ahaa Kunte? Maxayse yihiin dhacdooyinka taas la midka ah ood aragtay?” Raul baa yidhi, “Intuu hadba buug soo fiirfiiriyo buu aqoonyahan beryahan Dias-keen isaga dhigaa ee sidaas ma og tihiin?” Isagoo Dias kii hore u jawaabaya ayuu yidhi, “Waxa laga yaabaa marka Kunta la suntaayey in adiga awoowgaagii lixaad, ama toddobaad laga hor suntay, oo uu ciidda afka ku hayey, amaba summad suge ahaa, wadnuhu markaas gargariiraayo. Dhacdooyinka taas la midka ahina, waa kuwa halkan ka dhaca oo innagu ridno, oo aynnu ku hayno dadkan reer guuraaga ah, oo qaar ku dilo sabab la’aan, sida maantadan dhacday, qaar ku xidhxidhno, sida dhallinta aan maalin walba soo qaqabanno, qaarna dalkooda ka rareyno oo qaxooti iyo caydh ka dhigayno, qaarna Raul diyaaradaha ku leynaayo. Miyaaney dhacdooyinkaasoo dhammi jirin. Dadkanse aan leyneyno oo innagu nahay aaladdii lagu muquuninaayey, muxuu yahay danbigey galeen, ma xornimaan rabnaa bey denbi ku galeen? Maxaase keenay si loo cadaadiyo Soomaali-Galbeed in ciidamo uga yimaadaan Kuubba, Afrikada Waqooyi, kuwana uga soo gudbaan Badda Cas? Waa markii iigu horeysay oon arko nin madow oo nin madow addoonsanaaya. Yaab badannaa!” Iyadoo aad moodid in Raul iyo Dias laysu dhegeysanayo, ayaa Raul qaatoo yidhi, “Annagu waajib baan fulineynaa, kuwani xornimo helimaayaan ee qoortaa lagaga joogi cid loo adeegsadaba weligood.”
La’soco Qaybta Lixaad ……
Waxaa Qoray Buuggan: FAARAX MAXAMED JAAMAC “Cawl”
Waxaa idiin soo xulay Buuggan Qiimaha Leh:
Bahda Hawraar Murti iyo Madadaalo

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply