Dhibanaha Aan Dhalan Qalinkii Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” Qaybtii 8aad

Waxaynu Maraynay Dalal oo intuu In cabbaar ah intuu aammusay buu haddana Dalal yidhi, “Ma caawaan Bilan Jaamac, baxsantii aan jeclaa, oo timaha baarka caddeyd, boholyowgeeda u dhuubtay, ba’aydeeda haweeniyo baroorteeda maqlayaa, caku yaa i bireeya? Yaa bilaawe i siiya? Beerka aan is jaree, Bilcaantaan u hiloobey, buruudkeeda cadceediyo, dayax buuxa ahaa, ma Kuubbaan bahalooboo, beledkiisu fogaayoo, bado soo gudbay baa, caawa beylaha u heysta, oon ba’aydeeda haweeniyo baroorteeda maqlayaa, biidna aanan tareyn, caku! Yaa i bireeya, yaa bilaawe i siiya beerka aan is jaree.”

Intey Dalal iyo raggii kale sidaas u caloolyoobayeen, oo hadba tabaallahooda la taahayeen, Cusmaan iyo Ibraahim waxay dhammeystirayeen qorshihii fikashada iyo siduu weerarku u dhacaayo. Hadba waxay doc ka rogaan markay u maleeyeen in nin waardiye ah mooyee la wada seexday, ayay laba askari oo waardiyaha la hayey mindiyo ku dileen, isla markiina banaadiikhdey ka furtean bay maxaabiistii siiyeen isagoo Cusmaan leh, “Dalal. Yaa Dalal. Aak, aak naxnu Eritariyan.” Halkaasey Dalal iyo raggiisii gacanta ku dhigeen banaadiikhdii iyo baastoolado loo soo fidiyay. Ugu horreystiina waxay weerer ku hoggaamiyeen Cusmaan iyo Ibraahim oy Dalal iyo rag kale la socdaan, gurigii Kuubbaanka. Iyadoo aan weli wax dareen ahi dhicin, waxay u dhacaan halkuu Raul ku jiray, madaxii Ruubaanka. Raul, oo ahaa Kuubbaan aad u kibir badan oo wax naxariis ah lahayn, walibana ka heli jiray xasuuqidda iyo silcinta dadka aan itaalka lahayn oo u gacan gala, ciidanka Xabashidana xukunkiisa magalooti madaxi ha jiree, isagaa haystay. Dalal iyo Cusmaan, waxay la kulmeen markey qolkuu Raul ku jiray jebiyeen isagoo feedho qaawan oo intuu lugaha is dhaafsaday kursi ku fadhiya, oo gacanna galaas qaari ah ku heysta gacanna sigaarkii dheeraa ee dalkiisu caanka ku ahaa ku cabbaaya, oo sidii bahal raq arkay marna qoslaaya marna farxad la heesaaya. Waxaana hortiisa gidaar ah ku tiirsanayd Bilan Aw Jaamac, oo argagaxsan oo gariiraysa oo intuu malaha isku daygiisii u horreeyay dharkii ka jeex jeexay mindi daabka heysata, hase ahaatee diifi ka muuqato welise daafaceysaa nafteeda. Dalal buntukhii ma haleeline, intuu ka hanfafay ayuu mar keliya ciil dartiis korka kaga dhacay, Raul oon beloba burka ka eegayn, barwaaqadaada iska nuug ma’ahe talo kalena ku jirin. In cabbaar ah haddii leysla galgashay ayey Bilan intey gadaal kaga timid halkaas labada garab dhexdooda ah mindida kaga aastay oo tidhi, markey si fiican labada gacmood daabkeedii ku gilgishay, “Adigaa darxumaas i baday! Kuubba naas dheer, gacantay ma go’do oo caawaan hooyaa.” Run ahaantii, been Bilan kuma ay sheegin malaheedaas, maxaa yeelay hawlaha dadka deegaankaas lagu xaaqaayoo dhan isagaa goobtaas uga madax ahaa, diyaaraddii cidahoodii tirtirtana naftiisaa duulinaayey, oo marmar buu caado u lahaa inuu hadba diyaarad kaxeysto, oo ku soo madadaasho beelaha meelaha yaalla oo bamam la dhaco. Haddii haddaba Raul doc u dhacay, bey haddana tidhi, “Ayaan badaniyaa ma Dalal baa? Ilaahayow waa kugu mahad, ma Kuubbaankii bahalka ahaa baan ka badbaaday?” Nasiib wanaag, sidey Cusmaan iyo Ibraahim qorshihii u dhigeen ayuu u dhacay, oo markii xabbadii u horreysay Kuubbaankii ku dhacday rugteedii yeertay, xabad kalaa xerada debedeeda ka bilaabantay, markaasaa ciidankii sidii loogu tala galay jiho wareer ku dhacay, oo culeys saaray siduu debedda isaga daafici lahaa. Halkaasey iyagoo ka faa’iideysanaaya jiho wareerkaas ciidanka ku dhacay, Bilan iyo labo hablood oo kale, iyo dhallintii kale baabuur ay diyaarsadeen kula dhaceen. Khalkhalkaas dhacay aawadiisna waardiyihii baabuurkii ma joojine intey moodeen ciidan daafac debedeed u gurmanaaya, ayey irridkii u banneeyeen, halkaasoo ay xayiraad la’aan iyo si dhib yar debedda ugu baxeen. Muddo yar kaddibna, maxaabiistii oo tiradoodu dhan tahay labaatan dhallinyaro, iyo saddex hablood oo Bilan ka mid tahay, iyo labadii reer Eritariya Cusmaan iyo Ibraahim ayaa waxay uriyeen neecawdii xornimo iyagoo baabuurkii ku qardo jeexaaya keymahii hawdka. Waxay farxad la gudaanba, oo hadba qardo jeexaanba, goorey qiyaastii jareen soddon ilaa afartan kiilo meter, oo qosol iyo reynreyn lagu jiro ayaa baabuurkii shidaal beelay. Halkaasay noqotay khasab in laga daadego oo si fiican loo gacan qaado Cusmaan iyo Ibraahim, isla markiibana dharkii askarinimada laga beddelo labadoodii si ay dadka degaanka ugu ekaadaan. Iyagoo malahoodii siiyey, in raacdo ka daba imaaneyso waxyeelladay geysteen culeyskeeda, khaas ahaan Kuubbaankii ay dileen ayey waxay isu qaybsheen saddex kooxoo, oo kooxiba jiho qaaddo, si haddii koox loo helo, labo u badbaaddo, ama haddii labo la helo midda saddexaad u fikato. Dalal, Bilan, Cusmaan, Ibraahim iyo afar kaloo dhallintii ah isku koox bey noqdeen, waxayna kooxdaasi qaadday jihadii labada kale u dhaxeysay oo ah jihada Waqooyi. Sidii ay ka baqayeen isla markii waagu beryeyba ciidamadii cadowgu oo cir iyo dhul ah, ayaa raacdo aargoosi ah ka soo daba qaaday, isagoo jawigu dhiileysan yahay oo daruur yare shuuxayaa, cirka isku soo jiqsiiyey. Waqti gaaban kaddibna waxayba maqleen rasaas ka dhaceysa xaggii kooxaha midkood ka xigtay. Kolkaasay si dhakhso leh u dhex galeen keyn jiq ah oo ku dhoweyd, sida wax looga heli karaayana ay adag tahay, nasiibkooda oo xummaada mooyee. Waxay keyntii ka dhex heleen labo booraan dawaco, oo mid walba labo qof isku ciriiriyi karaan, halkaasoo ay u garteen iney ku qarshaan, midna Dalal iyo Bilan, midna Cusmaan iyo Ibraahin, waxayna afafka ka saareen laamo ay soo gooyeen iyo burar ay soo rujiyeen. Inkastoo ay booraamuhu ciriiri ku ahaayeen afartii lagu qarshey, oo jidhkoodu qaar debedda u soo baxsanaa, haddana markii si fiican loo af saaray, cid si gaar ah ugu fiirsato ma’ahe si loo arkaa wey adkeyd. Haddii kooxdii Dalal in booraamahaas ku dhuumatay, intii kalena keyntii laboba meel gashayi, oy cabsi dheeraad ah gelisay diyaaraddii hadba ka dul guuxeysay oo marba doc u dhaafeysay, ayey isla sanqadhi hore ee rasaaseed ka maqleen docdii kooxda labaad ka jirtay, waxaana u caddaatay shaki la’aan iney kooxdii labaadna u dhammaatay, oo hadda waxii ka danbeeya oy sugaanba tahay kalkoodii oo soo gala. Goorey sidaas u yaabban yihiin, oo rajo nololeed ha joogtee, naftii yididiilo beeshay, qof walbana cabsidii intey ka badatay rugrugtii wadnihiisa iyo neef gurkiisa looga dhigay, in sanqadhooda hayhaato laga soo raacaayo, mid walbana nolosha ka door biday dhimasho deg deg ah, si uu mar keliya uga nasto guulguulka cadowga, iyo naftu tawaawaca ay ku heyso, ayey diyaaraddii intey soo rogaal celisay ku riday bambo jigin soo dhacay la moodo, halkey keynta kaga jireen ma’ahe keynta qooretadeeda kale oy malaha ku yool baareysay. Intey kooxda inteeda kale cabsidaas ku jirtay, Dalal iyo Bilan waxay booraanta kula dagaallamayeen, cadow labeeyey kii hore, oo booraanta kaga soo baxay. Cadowgaas oo ahaa mas weyn, oo gorod raadow, oo dheer oo dhumuc Alla siiyey, oo booraanta ku jiray, baa waxuu weerar ku soo qaaday Bilan oo uu xaggeedii ka soo baxay, Dalal baa ka hor arkay isagoo aan waxba u sheegin, intuu ku booday, oo qoorta ku dhegay buu afka dhulka ugu aasay, labadii jilibna midna qoorta hore kaga qabtay, midna gadaal dhulka ugu xajiyey, si aanu dhaqdhaqaaqba u sameyn. Bilan mar alla markay maskii sigey oo Dalal qoorta hayey aragtay, ayey suuxday. Dalal waxuu gariiro, oo dhidido oo maskii afka dhulka ugu hayoba, oo iska adkee ma’ahe talo kale dhigay, cabsidii horena tan masku kaga cuslaatay, ayuu waxuu mar keliya dareemay booraantii oo af saarkeedii debedda laga fagaayo, ciyoonba waxuu dalool yar ka arkay askari Kuubaan ah, oo buntukhuu sitay caaradiisii laamihii ku banbaneynaaya, isagoo malaha tuhun ka galay laamaha qoyan oo la soo jaray oo meesha saaran. Dalal, goortuu yaabban yahay oo talo ku caddaatay, askarigiina hadba laan qaadaayo, oo inuu wax arko u dhow yahay, ayuu maskii dhaqdhaqaaq bilaabay. Halkaasuu wax kale ma sameyne, intuu maskii soo qaaday askarigii kaga sii daayey halkuu yare banneeyey.Waxaana ugu war iyo miyir dambeysay askarigii oo intuu qeyliyey sii cararaaya. Wuxuuna soo miyiraabay, cadowgii oo tegey oo Cusmaan biyo waraabinaayo, iyo Bilan oo weli suuxsan, oo ag jiifta. Dalal markuu arkay gacaladii oo xaalkeedu liito meel dhaqaaqeysaana aaney jirin sidii qof waa hore dhintay, ayuu intuu ku booday dhabta ku soo qabtay oo intuu madaxa gacanta ka saaray hadal hoos ku yidhi, “Bilaney gacalo toos, biyo dahab la moodyey toos!” Bilan heerka ay joogtay ma ahayn midey si dhib yar uga soo tooseyso, maxaa yeelay waxaa isugu biiray itaal darro, gaajo, daal, diif iyo diihaal iyo naxdin aan kala go’ lahayn oo midba midka kale ka daran yahay. Haddana intuu ku noqday buu yidhi, ‘”Toos Ilaah baan kugu dhaarshee, aan meesha darxumo ka tagnee.”

La’soco Qaybta Sagaalaad……

Waxaa Qoray Buuggan: FAARAX MAXAMED JAAMAC “Cawl”

Waxaa idiin soo xulay Buuggan Qiimaha Leh: Hawraar Murti iyo Madadaalo

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply