Dhibanaha aan Dhalan Qaybtii 9aad

Waxaynu Maraynay
Bilan heerka ay joogtay ma ahayn midey si dhib yar uga soo tooseyso, maxaa yeelay waxaa isugu biiray itaal darro, gaajo, daal, diif iyo diihaal iyo naxdin aan kala go’ lahayn oo midba midka kale ka daran yahay. Haddana intuu ku noqday buu yidhi, ‘”Toos Ilaah baan kugu dhaarshee, aan meesha darxumo ka tagnee.”

Inkastey yare dhaqdhaqaaqday waa jawaabi kari weyday, laakiinse indhahey kala furtay, si ay maqashay farriintiisii.

Waxuuna arkay hadduu wajigeedii u sii fiirsaday inay Bilan dhibaatadii ay beryahan ku jirtey u run sheegtay, oo indhihii buuxi jiray oo raxmadda lahaa god ka soo jeesteen. Jidhkeedii dhisnaana, intuu fagmay meeshii ka baxay. Waxuu kaloo gacmihiisa ku dareemay markuu dhabta ku soo qabtay sida lafihii
garbaheeda iyo kuwii feeraheeda weydnimo darteed u soo baxeen.

Wuxuu isha la raacay dhabannadeedii dhaashanaan jiray, oo sidii hoobaan bislaatay loo mohan jiray, oo intey dhafoorada ka soo goteen moqorro la moodaayo.

Dalal tiiraanyo baa ku soo korodha markuu sii eegaba xubnaheedii uu sifahoodii ogaa oo la quuri kareyn. Aakhirkii intuu laabta ku soo qabtay isagoo ilmo ku soo joogjoogto ayuu hoos ugu yidhi, “Ma rumeysan karo farxaddeeda Bilan baa tan ah, isla markaas ma leqi karo. Bilantaad tiqiin baa sidaan u dacdarrootay.”

Intuu madaxa yare ruxay buu haddana yidhi, isagoo hadalkiisii sii wata oo hoos isula faqaaya, “Meeye indhaheedii la kuunyi jirey? Ma tan aa u dambeysay iney goofaf ka soo jeensataa? Meeye xubnaheedii xubini xubin wax u ogeyn, oo afarba sifo gaar ah lahayd, ciiloow ba’ ma caynkaasaa cawo adduun?”

Hadduu cabbaar sidaas isula hadlaayey, ayey sidey sardho ka soo toostay yare dhaqdhaqaaqday oo indhihii yare kala qaaday, waxayna cod yare dirqi kaga soo baxaaya ku tidhi, “Xaggee duni ka joognaa?”

“Goob darxumo baan ka joognaaye istiil aan meesha ka cararee,” buu ugu jawaabay.

Intey neef gurtay, oo yare taahday bey waxay tidhi, “Waa tahaye xaggee duni ka aadnaa? Haddii cirkiina guduri gaaddo weyn inaga weeraraayo, dhulka dushiisana Kuubaan iyo Xabashi is wataa oo bahaloobay boob la joogaan, dhulka hoostiisana bahal hoose tii tahay, cawo beellayey, xaggee aadnaa? Xaggee tagnaa? Xaggee u hoyanaa?” “Dhibaatada nololeed ha isu dhiibin gacaloy, hana rajo beelin ninba maalin bey la deristaa’e, waxaynuna ku simeynaa ilaa meesha cagaheennu ina gaadhsiin karaan,” buu ugu jawaabay.

“Dalalow ereyadaada naftaa ku diirsatay, oo qalbigeygey yididdiilo geliyeen, markaas mar haddaan adiga duni kaa heysto waa ii dhan tahaye waxba hey xambaarin waa istaagayaaye i garab gal aan nafta la yare kutubee.”

Nasiibkiisa, markuu istaajiyeyba wuxuu arkay Cusmaan iyo Ibraahim oo qoryo ay sidii dhoolli u soo diyaariyeen la ag taagan, goortaasaa inta jirjirka loo jiifshay lagu qaaday dhoolligii.

Bilan Aw Jaamac, iyadoo aaney marna xasuusteeda ka bixin dhacdooyinkii foosha xumaa gaar ahaan tii ugu horreysay oo gorgorka iyo coomaaduhu ku loolamayeen, ayey haddana wax dabadhigay mooyee samada korkeeda ah ku aragtay iyagoo hadba daruuraha ku libdhaaya isla labadii horor, oo muuqaalkoodii foosha xumaa la dul heehaabaaya oo leh, ‘caw… caaw… cawcaw… caacaw.’

Intey gacmaha saartay wejiga, oo indhaha ka qarsatay, ayey fekertay oo haddey fekertay, fekerkeedii ku kala garan weyday hororadaa korkeeda heehaabaaya, waxbana aanay ka qorsooneyn, nafleyna aan reebeyn awoodda la siiyey, iney yihiin kuwo iyada loogu dawgalay, iyo iney yihiin cibaaro hor leh, oo carrada caam ahaan timid, wuxuu malaheedu siiyey, kaddib markey ka qiyaas qaadatay, qaxa iyo dabargoynta ku dhacday dad iyo duunyo wixii dalka joogey, inaaney wax kale ahayne yihiin ifafaalo cusub iyo cunsur hor leh oo carrada ku habsatay.

Wax Bilan dhoolligii lagu sido, oo majarihii la hayoba, dhowr beri kaddib, ayey goor fiid ah ka gudbeen xuduud ku sheegga heshiiskiisa qarnigii sagaal iyo tobnaad Baarliin lagu dhigay, oo Soomaaliya lagu kala googooyey, iyagoo si ula aayo ah, dadka reer Baarliin qaarkiisa maalaaya dhaqayadii iyo dhaxalkii heshiiskaas, kaddib markii isla Baarliin lafteedii gidaar madow, oo naxariis la’aaneed lagu kala qoqobay halkaasoo qoysaskii kala golay hadba iyagoo naf la caari ah isku dayaan inay gidaarkaas ka boodboodaan, marna daloolshaan, marna qoomamo lehe intey gacan galaan si xun ugu guuldareystaan.

Dalal iyo Bilan, waxay ku biireen qaxootiga tabaaleysan ee Hargeysa deggan, magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed. Cusmaan iyo Ibraahim muddo yar kadib waxaa loo gudbiyey dalkoodii hooyo iyo Eritariya, si ay uga qayb-qaataan dagaalka gobonimodoonka ah ee ka socda.

La’soco Qaybta Tobnaad ……

Waxaa Qoray Buuggan: FAARAX MAXAMED JAAMAC “Cawl”

Waxaa idiin soo xulay Buuggan Qiimaha Leh
Hawraar Murti & Madadaalo

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply