( DHIBBANAHA AAN DHALAN ) Qalinkii Faarax Maxamed Jaamac “Cawl” Qaybtii 2 aad

Waxaynu Maraynay, iyadoo Cayaar laysugu Yimi, oo laysla helay Jiibti iyo Jaantii, Dolaal ayaa Heestii Bilaabay Wuxuuna Yidhi. “Hoobey, farasku waa higgoodaa, Hoobey, xakamuhuu ku higga gooyaa. Hoobey, kooruhuu ku himbilayoodaa. Hoobey, raggu waa higgoodaa Hoobey, warankuu ku higga gooyaa. Hoobey, sumucuu ku himbilayoodaa Hoobey, anna waa higgoodaa Hoobey,

sacabbaan ku higga gooyaa Hoobey, Bilan baan ku himbilayoodaa.” Bilan baa markaas iyana heestii qaadatoo Tidhi: “Hoobey, geelu waa higgoodaa Hoobey, biyuhuu ku higga gooyaa Hoobey, darantuu ku himbilayoodaa Hoobey, dumarku waa higgodaa Hoobey, qabyaduu ku higga gooyaa Hoobey, dadabtuu ku himbilayoodaa.” Goortey intaas is dhaafsadeen, ayaa waxaa beddelay heestii labo kale. Dalal iyo Bilanna intey gacanta is qabsadeen bay meel yar ka durugsan goobtii fadhiisteen, halkaasoo Dalal jirjirka u jiifsaday, Bilanna agtiisa jilbaha mid soo dhigtay. Haddii in yar dayaxa buuxay leysku daawanaayey, daalkii dartiisna la neef guray, ayuu intuu Dalal ku soo yare durkay gacanta qabtay oo ku yidhi, “Yaa! Oo illeyn gacmaha xaad baad ku leedahay.” Waxay ku tidhi, “Dalal ma bahalnimadaadii baad weli waddaa?” “Maya’ e miyaan lagu gacan qaadi karin, haddaan dhowr beri kala maqneyn? Miyeynaanse is cafiyin?” Intey madaxa ruxday bey tirdhi, “Cafi ma sheegteen haddaad og tahay sidaan kuu eersaday maalintii dhoweyd.” “Maxaa dhacay?” “Waxaa dhacay Dalalow, wax baas iyo waxaan eeday, oo maalintii dhoweyd intaan legdameyney baa adhigii aan la joogey labo neef dawaco ka cuntay. Sababtaas darteed, baa habeenkii hooyadey intey i dishey gurigii iiga dhaaratay inaan u soo hoydo. Arrintaas aabbahay raalli kama ahayn, oo si lixaad leh ayuu isu hortaagey, waxaase ku adkaatay hooyadey oy teedii noqotay. Sidaasaana habeenkii oo dhan dhaxantii jirtey iyadoo weliba qadoodi ii dheer yahay, aan guriga duleedkiisii yuururay. Miyaanan ku eersan? Teeda kale hadda reerkii oo dhan waa isu dudeynaa, habeenkiina si aanan weligey u fekerin ayaan wax walba uga fekeray, adduunka iyo aayahayga nololeedka.” “Maxaad ku fekertay waaba arrin cusube?” “Wixii gabar hana qaadday ku fekeri lahayd baan ku fekeraayey iyo inaan reerkeyga ka tashi baxo. Hadda ogow Dalalow mar walba waa kaa ley horkeenaayey.” “Bilaney ma ogtahay inaan adigana qaan kuu raacaayo, taasoo ah bal taabo meeshii qorigii dhinaca iga muday, labo beri baan jiifay, welina waa i xannuunayaa, sidaas darteed baan ballantii habeen labaadkii uga baaqday.” Kolkaasey intey ku soo durugtay tiri, “Alla! Ma saasaa bal i tus aan eegee.” Markaasuu dhabarka u soo leexshay, halkaasoo ay gacanta taabsiisay, bartii qorigu ka muday, waxayna tiri, “Weli ma ku xannuunsaneysaa?” iyadoo gacantey ku heysay ugu dartay afka oo dabeyl qabow uga afuufeyso! Isagoo ku sii raaxeysanaaya neecawda qabow ee afkeeda ka soo baxeysa iyo taabashadeed ayuu ku yiri, “Taabashadaada raxmadeeda ayuun buu u baahnaa nabarku.” Waxay tidhi, “Horta af ku malable baa tahay, intaas keliya hadduu u baahnaa inuu ku bogsado, waa kuugu fillanahay hagar la’aan.” “Haahey, anna af ku malable dawliye ii daa, adna shinnidii hadba ubax dillaacay midda ka soo ururineysay baad tahay, wadajirkoodaana malab ku abuurmaa, aniga iyo adigana malaha ma ogide is hanashadeennaa macaanka iyo raaxada nololeed ku dhammeysmi kartaa. Waxaana fiicned in Bilan hagar la’ laguu bixiyo.” Inta hadalkiisii qalbigeedii toban baac hoos ugu degey oy sidii xishood galay gorodda hoos u rogtay bey tidhi, “Dalalow gacaliye! Waxaan ku fiicanahay iyo waxaan noloshaada ugu fillahayba waa ii haysaa, ee hays gabin.” Intuu labo saddex jeer qoslay buu yidhi, “Sheekadii aan ku noqonee, maxaad ku tashatay habeenkii dhoweyd?” “Hadalku waa sarbeeban yahay, xaggee kaa dhaafay, ma su’aal beyse leedahay gabar tidhi, inaan reerkeygii ka talo baxaan rabaa, Dalal intaas ma garatay, mise talo wax boob baad ka taqaan?” Isagoo qoomameynaaya su’aashiisii ay ku yare qalloocisay buu yidhi, “Waa hadal wanaagsan, waan ku afgartaye goormaan ballannaa aan arrintaad sheegtay xiisey leedahaye, halkii ka sii wadnee? Ma ka dhigannaa sadex maalmood kaddib, berrito waa Salaase’e maalinta Jimcaha?” “Waxba kama qabo, xagga galbeed ayaan adhiga u soo daaq geynayaaye, sidaas ha inoo ahaato.” Goortey intaas tidhi, baa waxa isa soo dultaagay Cali Dalmar oo ay Dalal wada socdeen, wuxuuna ku yidhi, “Gabadha maaxaad ku daldaleysaa?” Wuxuu ugu jawaabey, “Faduuli baad tahay, maxaa kaa galay waxaan ku daldalaayo.” Goortii intaas leys yidhi, ayuu Dalal Bilan intuu gacanta qabtay, xaggii guriga u dhaqaajey isagoo aad moodid inuu Cali ka shaxeexaayo inuu la qabsado, in yar kaddibna rugteeddii ayuu ku hubsaday. Intii loo sii socday golihii, Dalal iyo afartii kale dhallinyaro ay ka mid ahaayeen, Cali Dalmar, iyo Warfaa Jaamac, kaftan ayaa leysku tuurtuuray, hase ahaatee Dalal waxaa la cuslaatay fekerna ku reebtay arrinkii ay soo jeedisay Bilan uuna u carrablaabay, inay wada dhammeysan doonaan saddex casho kaddib, maxaa yeelay waxay markiisii hore ka ahayd xodxodasho iyo xaal dhallinyaro. Haddase mar hadday tidhi, “Inaan reerkeygii ka talo baxo baan rabaa,” wax kale ma ahee hoy bey rabtaa. Wuxuuna uurka ka yidhi “Bilan oo ooridaada noqota wax la heli karo ma’ahe, markaas haddeyba raalli ka tahay ka hadal malehe tashigeeda gal.” Markii golihii la tegay isagiyo dhallintii la socotay oo geeli la maalay ayaa leysugu yimid ardaagii dabku ka shidnaa, waxaana hadalkii bilaabay Cali oo yidhi, “Aniga Dalal baa iga yaabshay, waayo caawa oo dhan markaan ciyaareynay gabadhii wadaadka beeshu dhalay ayuu wax ku quraamaayey, kaalay miyaad ka duceysaneysay?” “Kama duceysaneyne adigu ma xaasid baad tahay? Maxaad hadba kaaya isu soo dul taageysay, oo aannu kaaga haasaawi kari weynay?” buu Dalal ugu jawaabay. Warfaa baa qaato yidhi, “Waxaan tuhunsanahay in Dalal iyo gabadha Bilan arrin meel u yaale, baad Calow ka gaabsatid, war adna noo warran aan xaajada la soconnee.” Dalal baa qaatoo yidhi, “Horta nimanyahow idiin warramey, oo nin gabyaa ahaa oo la oran jirey Shan-ku-kibir baa beri hore jeclaaday haweenay la odhan jirey Shacni Cali Ibraahim oo ka mid ahayd haweenkii Sayid Maxamed ka dhintay, Wuxuuna gabay ku yidhi: Nimanyahow an waan shuqulsanaa, waxaad shaxeyseene, Qalbigay shareeraa,waxaad gabay shubeyseene. Shaac baxay la moodyey Shacnaan galay shu’uunteede. Waa midaanan sheekona ku maqal shaahidnow arage. Waa shidho Ilaahey ka riday Shiikhii waal dhalaye. Ma shiddeyso oo socodku waa shaan u gooniya’e. Waa shaamareeraa ninkii shuufa laafyahaye. Shubbad lacag ah, lawshado shushuba boqor shulla jooga. Iga wallaanan shoob kale hadhayn shey rag leeyahaye. Shanta haddaan ku dhigo, naago kale ima shiddeeyeene. Yaa igu sharriba gacalo waa igu shisheysaaye.” Dalal baa isagoo si wata hadalkii yidhi, “Idiin ma sheegine, gabadha laga hadlaayo maalin dhoweyd ayaan nasiibsaday inaan la kulmo, iyadoo intey dharkii oo dhan iska dhigtay, oo garbasaar jilicsan keligeed guntatay oo haro xareed ah ku dabaalaneysa. Waxaadna maleyn kartaan sidaan daawashada jidhkeeda uga sugtay markaan u jirsaday masaafo yar oon xundhurteed si fiican uga arkaayey.” Cali baa cirkaas ka qeyliyey oo yidhi, “Wahay wah! Waxasaa daawasho ah, war bal ku celi.” Warfaa baa isna farta qaniinoo yidhi, “Maxaad fashay?” Dalal baa ku noqdoo yidhi, “Waxaan falay ha dambeysee i daaya aan gabadha aan arkay idiinka warramee, yaab dartiis dhafooradaad gacmaha saari doontaane.” “Horta intaanan quruxdeeda xubin xubin u sheegin, tilmaanta midabkeedu waa kaad aragteen, oo waa maariin dhalaal casaan raac ah, weydna ma’ahe inta hilibkeedu qorqoran yahay ayey dhex yar tahay, oo isku sar go’an tahay, xagga jooggeedana ma gaabna’e dherer dhexe ayey raacsan tahay. Intaas waxaan raaciyey quruxda gabadhaas loo dhiibay markaan qiyaasay waxaa loo dhammeystiray sodon iyo labadii xubnood oo dumarka laga daawado, horena loo yidhi haddii gabadhi leedahay ayse gabadh tahay, guurkeeda sina looma daayo. Hadday naag nin leh tahayna raggii hore waxay yidhaahdeen waa leysku dayaa in ninka qaba lagala baxo. “Soddon iyo labadaas xubnood oy Bilan leedahay dumarna quruxdoodu ku dhan tahay, waa afar ay dhummuc u leedahay, oo waa labada kub iyo labada cududood, afar ay u dhaadheer tahay, waa labada gacmood timaha iyo qoorta, afar ay u caddahay. waa labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab, afar ay u madmadowdahay, waa labada indhood wiilkooda iyo labada suuniyood, afarey deeb u leedahay, waa labada debnood iyo labada mudane, afarey u yare shilis tahay, waa labada shidhir iyo labada takoorin soo raacooda wareegsan, laba ay u dhuudhuuban tahay, waa qoorta iyo dhexda, labo ay u shushuban tahay, waa labada dhaban, hal ay u buuxdo waa shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan ishuna ku nasato, iyo hal ay u qoran tahay, waa sanka, soddonkaas aragay ugu qurux badan tahay, labona maqalkooda ayaa dheguhu ku raaxeystaan, oo waa qosolkeeda iyo codkeeda macaan, markay erey tidhaahdaba. Sheeko waxba tarimeysee, socodkeedu waa yaab aan hore loo arag, nin arkay baa quruxdeeda maleyn kara, ee nin kale ma qiyaasi karo, ina rumeysta markaan is hortaagay laabteeda sidii muraayadeed baan isugu arkaayey, yaab iyo yaab!” Halkaas markuu maraayo ayuu Dalal yare aamusay, oo u fiirsaday labadoodii, mise isagey eegayaan, oo dhafooradey gacmaha ku wada hayaan, sidii ay muuqaalkeedii daawanayaan. “Miyaanay waxaan arkay yaab iyo dhafooro hays ahayn?” ayuu ku yidhi. Cali baa qaatoo yidhi, “Waa dhafooro heyse, ka soo qaad waadba guursatay, sow raggii hore may jideyn, adna kuma raacsanid mar haddey xubnahaas leedahay ninka guursada in laga qaado?” Dalal waa is dhaafshay hadalkii Cali, hase ahaatee, Warfaa baa yidhi, “Cali waxaan ku nacay waa doc ka yeedh, war maa noo deysid cidna naag ka qaadimeyside, wax ma tarayahow, ha naloo sheekeeyee.” “Taasi waa guubaabo,” baa Cali yidhi. Dalal baa qaato yidhi, “Mar kastoo aan la hadlo, intey yare qososho ayey cod yare macaan, oo qalbiga taabanaaya, hadalkeeda ka bilowdaa, haa Dalal sidaas iyo sidaas, qoodhiin iyo xeradiin gabadhaa intaas oo tilmaamood oo badiba afarba, ama laboba isku sifo tahay leh, miyaanay ahayn inuu ninkii arkaa anfaco diido, miyir beelo oo qalbigiisu jaceyl la wahmo? Su’aashii ahayd maxaad fashay; waxaan ka idhi, waxii nin rag ahi isku dayi lahaa ayaan isku dayey, maadaama ay dagneyd, hase ahaatee,wax guul ah kama gaadhin, nabarkii aan idiinku idhi geedaan ka soo dhacay buu igu gaareyna beentey bay ahayd, ee isku daygeedii ayuu igu muday. “Run ahaantiina sidaasaa ii fiicneyd, maxaa yeelay markaan sii sheekaysannay maalintii iyo caawaba qof qiime weyne ayey ila noqotay oon lagu ciyaari karin, xumaana loo quudhi karin, xurmo mooyee.” Cali baa qaatoo yidhi, “Haddey sidaas tahay ood damacday gabartaasoo kale yarad badan ayaa laga rabayaaye maxaad yeeli illeyn aabbahaa wax geela kaagama dhiman? Adeerkaaga geeliisa aad heysaana waa bakhayl la yaqaan oo tuludna kaa bixinmaayo.” La’soco Qaybta Labaad…… Waxaa Qoray Buuggan: FAARAX MAXAMED JAAMAC “Cawl” Waxaa idiin soo xulay Buuggan Qiimaha Leh: Bahda Hawraar Murti & Madadaalo

LA SOCO QAYBAHA DAMBE

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply