Somaliland ayaa markii ugu horeysay sheegay in Maamulka Shirkadda Diyaaradaha Ee Turkish Airlines ay ka codsadeen in ay ka shaqo bilaabaan Garoonka Diyaaradaha Cigaal Airport oo ku yaalla Magaalada Hagreysa.

Agaasimaha wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdullaahi Aadan ll Wareysi siiyay Wargeyska Dawan ee ku hadla Afka  Soomaaliland ayaa sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Shirkadda Turkish Airlines ay yimaadeen Hargeysa islamarkaana ay Maamulka kala hadleen sidii ay uga Howl bilaabi lahaayeen  Garoonka Diyaaradaha Hargeysa.

“Waxaa jirta in shirkadda Turkish Airlines  ay naga soo codsatay in ay Madaarka Hargeysa duulimaadyo ka bilawdo ka dib markii ay yimaadeen ee ay ku qanceen hannaanka uu u shaqeeyo iyo nabad gelyadiisaba laakiin wali kamaanu aqbalin Codsiga Turkish nooga yimid”ayuu yidhi Cumar C/llaahi.

Shirkadda Duulimaadyada Turkish oo Soomaaliya meeshii ugu horeysay ee ay ka shaqeyso ay tahay Muqdisho,walina ka Howlgasha ayaan ka hadlin Warka ka soo yeeray Soomaaliland oo ah in Turkish Airlines ay ka Codsatay in Soomaaliland ay ka Howl biloowdo.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA