Buug Cusub oo laga qoray Madaxwaynaha Daka Maraykanka ayaa waxa la filayaa in dhawaan lagu baahiyo Suuqyada ,sidaasi awgeed Madaxwayne Trump ayaa isaga oo ka hor tagaya waxyaabaha Buugaasi ku xusan ee lagaga hadlayo Shakhsiyadiisa  ayaa waxa uu sheegtay in uu yahay nin aan Caqli badnayn balse uu yahay nin Cabqari ah .

Madaxwayne Trump ayaa waxa u caado ah in Subax walba marka uu kaco uu Twitter-ka soo dhigo qoraalo kala duwan waxaana ka mid ahaa Qoraaladaasi qoraalkani uu soo dhigay shalay oo u dhignaa sidani “Intii aan noolaa labada arrimood ee aan aadka ugu wanaagsanaa waxa ay yihiin Caqligayaga oo dheeli tiran iyo sidoo kale in aan ahay qof aad u maskax badan ,haddaba Doqontii Hillary Clinton ayaa isku dayday in ay taataabo labadaasi arrimood waad ogaydeen halkii ay ku dambaysay iyo wixii ku dhacay ,waxa aan ahaa nin ganacsade ah waan ka gudbay waxa aan noqday xiddig aad looga daawada Telefiishanada waan ka gudbay waxa aan noqday Madaxwaynaha Maraykanka ,Madaxtinimada Maraykanka waxa aan ku guulaystay markii ugu horaysay ee aan isku dayay amase aan u tartamay ,haddaba arrintaasi lama odhan karo waa caqliga badan balse waxa aan ahay Cabqari “.

Qoraalkani ayaa la sheegay in Madaxwayne Trump uu kaga hor tagato Buuga Magiciisa la yidhaahdo Fire&Fury ee uu qoray Saxafiga Michael Wolf waxa aanu buugani si faahfaahsan uga hadlaya Shakhsiyada MadaxwayneTrump ,Buugani aya noqday Buugi ugu iibsashada badnaa ee laha iibsaday Barta Internet-ka ee buugaagta lagu iibiyo ee Amazon.

Aqalka Cad ayaa isku dayay in buugaasi la joojiyo kaasi oo ay ky sheegeen in uu meel ka dhac ku yahay Shakhsiyada Madaxwayne Trump ,balse arrintaasi waa ay ku guulaysan kari waayeen kadib markii xabado ka mid ah buugaasi ay ku faafeen Magaalada Washington.

Sidoo kale Madaxwayne Trump ayaa ayaa sidoo kale Buugani ku tilmaamay in uu yahay Buug been xambaarsan oo aan wax ka soo qaad lahayn .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA