Tirada dadka tahriibayaasha ah ee sida sharci darada ah ku gala qaarada Yurub kana baxa Dalka Liibiya ayaa hoos u dhacday bilihii la soo dhaafay kadib markii magafayaasha Dalka Liibiya ay gudaha dalkaasi ka fureen suuqa lagu iibiyo dadka Madawga ah .

Doonta ay tahriibayaashu saarnaayeen

Ciidamada ilaalada Xeebaha Dalka Liibiyo ayaa waxa ay xaqiijiyeen in maanta oo jimce ah in ay 90 qof oo tahriibayaal ah ku naf waayeen xeebaha Liibiya kadib markii doontii ay saarnaayeen ay qarqantay .

Tahribayaashaasi ayaa waxa la sheegay in badankoodu ay ka soo jeedeen Dalka Pakistan ayna u socdeen Dalka Italy,doontaasi ay saarnaayeen ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka badbaadeen 3 qof.

Saddexda qof ee doontaasi ka badbaaday ayaa waxa ay ciidamada Ilaalada xeebaha ee dalka Liibiya gaadhsiiyeen doontaasi dhacday waxaana ilaa iyo haatan la helay maydadka 10 ruux oo ka mid ahaa dadkii doontaa saarnaa halka kuwii kalana ilaa iyo haatan la baadi goobayo .

Tirada tahriibayaasha Dalka Pakistan ee sanadkii 2017kii sida sharci darada ah ku galay Dalka Italy ayaa waxa ay ahayd 3138 oo qof ,sidoo kale tirada Dadka u dhashay Paksitan ee u tahriibay Dalka Italy sanadkan bilawga ah waxaa ay noqotay 240 qof.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA