Sidii caadada ka ahayd Dalkaasi Sucuudiga waxa ay haweenka dalkaasi ku sugnaan jireen guryahooda loomana ogolayn in ay wax shaqa ah qabtaan balse muddooyinka dambe ayaa waxa maalin ba maalinta ka dambaysa soo baxaya haweena dalkaasi u dhashay oo qabta jagooyin aanay hore u qaban jirin haweenka dalkaasi u dhashay .

Dr Riim Al-bunyaan

Dr Riim Al-banyaan oo ku takhsustay xanuunada maskaxda iyo neerfayaasha ayaa waxa ay noqotay haweenaydii ugu horaysay ee dhakhtar maamusha .

Dr Riim Al-bunyaan

Dr Riim ayaa waxa ay maamule ka noqotay dhakhtarka Xukuumiga ah ee King Fahad Hospital,waxa aanay sheegtay in hawl aad culus loo igmaday isla markaana ay dedaal badan muujin doonto.

Haddaba Dr Riim Al-bunyaan ayaa waxa ay noqotay haweenka galay taariikhda dalkaasi Sucuudiga maadama oo loo igmaday xil aanay hore u qabn jirin haweenka dalkaasi u dhashay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA