maantoo kaliya ilaa 8 bukaan caruur ah oo qaba Hepatitis A ayaan arkay cusbitaalka la keenay marka waxaad mooddaa inuu outbreak jiro magaalada.

Dr:Saciid Nuux Axmed

maalmahanna way badnaayen tirada caruur ah ee cusbitaalka MAS ay dhakhaatiirtu ku arkeen siday ii sheegeen qaar ka mid ah dhakhaatirta ka hawlgasha cusbitaalka. xarumaha kale ee caafimaadkuna waa laga yaaba inay arkeen tiradaasi badan.

Hepatitis A oo ah cudur uu keeno jeermis virus ah oo marmar keena cagaarshawga ( jaundice) waxan loo yaqaan ayaa ah mid lala xidhiidhiyo nadaafad darrada ( feco-oral) si fududna ugu kala gudbi kara dadka kuwada nool hal meel oolagu kala qaado badiyaba qofka oo cuna cunto ama biyaha oo uu gaadhay saxarrada qof qaba cudurka sida cuntada hadduu diyaariyo ama hudheeladaba. 90% dadka wadamada so koraya ku nool wuuku dhaca caruurnimadooda waana laga bogsadaa bilaa dawayn.

marmar dhifana wuxu keena beerka oo fadhiista qofka ( fulminant hepatitis or hepatic failure) oo khatar ah. Calaamadihiisa waxa ka mid ah xummad, matag, shuban, kaadidoo madoobaata, tacbaan, xannuun uurku jirta ah marmarna ciyaalka yaryar oo kale maba laha calaamado soo baxa. Arrintani waxay u baahantahay:

1. In hayadaha caafimaadku ku sameeyan baadhitaan ( Outbreak investigation) hadday tiradani ka badantahay xaddiga caadiga ah ee lagu yaqaanay cudurkan (baseline rate) si loo ogaado sababta keentay inuu ku faafo bulshadeenna. waxa ugu fudud e lagula dagaalami karaana waa ka hortag markaa talaalka Hepatitis A waa in lagu daraa barnaamijka talaalka dalka ( Routine immunization schedule). tiraba illaa 16 dal baa siiyaa dhamaan caruurta iyo dadka u baahan caalamka.
2. Baraarujin : Bulshadu guud ahaan inay xoojiyaan nadaafadda cuntada iyo biyaha oo aynu ognahay inaanay magaaloyinka waawayn ay yartahay inta biyo qasabadeed o nadiifa hesha iska dhaaf miyiga iyo tuulooyinka. Biyo sifeeyaha oo kale ayay adeegsan karaan intaan biyahaa helini ama in la karkariyo. Qofka cuntada diyarinaya guri ama hudheelna inuu saabuun ku faraxasho ka hor way yarayn karta isu gudubkiisa.

 

Haddi la helo labadaasi shardi waxa hubaal ah in dhibaatadaasi ay yaraanayso isla markaana caafimaadka ubadkeenu uu noqonayo mid sida haatan uu yahay ka wanaagsan .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA