Elton John Oo Bandhig Faneedkii Ugu Waynaa Ee Qoob Ka Ciyaarka Ka Dhigay France Lagana Iibsaday 36-Milyan Oo Cajaladood

elton-john-annonce-a-carcassonne-la-fin-de-sa-carriere_437431_516x332 (1)In ka badan lixdan kun oo qof ayaa iibsaday tigidhada xaflad faneedkii uu Fanaanka muusiga Rock-ga ee Ingiriiska dhalashadiisu tahay, Elton John, uu ka dhigay galbeedka dalka Faransiiska dhawaan, waxaana xafladaas lagu tilmaamay tii ugu balaadhnay ee muusiga qoobka ciyaarka ah ee taariikhda inta la xasuusan yahay.

 

 

 

Waxa kale oo xusid mudan sida ay ku warantay jariirada Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, waxa uu fanaankan aadka looga jecel yahay qaarada Yurub, uu muddooyinkii ugu danbeeyay dhigay in ka badan afartan ilaa konton bandhig faneed kuwaas oo aad looga iibsaday cajaladihii laga duubay lacag badana uu ka macaashay.

elton-john-1_reference_article-20140721-111205-497Mahrajaan faneedkan uu Elton John ku qabtay degmada Carcassonne, ee galbeedka France waxa ay dib u soo noolaysay kaalintiisi fanka iyo muusiga qoobka ciyaarka ah kaga jiray, taas oo wakhtigii dahabiga ahaa ee taariikhdiisu u dhaxaysay sanadihii todobaatanaadkii ilaa sagaashanaadkii qarnigii hore ee aynu ka soo gudubnay.

Franceoo sanadkii 1977-kii, albankiisi ugu horeeyay ee The Rocket Man ka dhigay dalka Ingiriiska waxa uu mar kaliya isku shareeray cirka, ilaa heer uu ka gaadhay inuu noqdo qofka loogu jecel yahay xafladaha waaweyn ee muusiga lagu soo bandhigo, waxaanu caan ku yahay fanaankani garaacista aalada giitaarka ee usha lagu tumo.

In kasta oo wakhtigan uu marayo todoba iyo lixdan jir haddana waxa uu Elton John uu ruxay fagaarayaashii uu bandhig faneedyada ka dhigayay wakhtiyadii ugu danbeeyay, waxa kale oo uu ku guulaystay inuu daawadayaashiisa yar iyo wayn wada raali galiyo.

HALKAN KA DAAWO BANDHIGAN OO DHAMAYSTIRAN

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply