Faadooyinka Ukuntu U Leedahay Maskaxda Bini aadamka

Daraasadani cusub ee ay soo sareen khubaro ku xeel dheer culuumta Caafimaadka ee ku sugan dalka Maraykanka ayaa waxa lagu sheegay in Ukuntu ay dawo iyo ka hortagba u tahay cuduro badan oo dhibato ku haya Bini’aadamka.

Khubaradani soo sartay daraasada cusub ayaa waxaa hoggaaminayo Khabiir lagu Magacaabo Negal Doran oo ah kaaliyaha Madaxa jamacadda Luwiziyano ee dalka Mareykanka, iyagoona si wada jir ah u sheegay in baaritanadani ay socdeen in muddo ah, ayna ku soo ogadeen Ukuntu inay muhiim u tahay nolosha Bini’adamka loona bahan yahay inay ku dadalaan Isticmaalkeeda.

Negal Doranayaa carabka ku dhuftay in aysan ahayn markii ugu horeysay ee Cilmi baaris lagu sameeyo Ukunta iyo faa’iidoonyinka ay leedahay hase ahaatee horey loogu sameeyay dalka Maraykanka gaar ahaan Sanadkii 2007 Magalada Washington xilligaasi oo halkaa ay ka socdeen shirar lagu hor marinayo aqoonta gaar ahaan cilmi baarista Culuumta caafimaadka.

Saynisyahannadani ku sugan dalka Mareykanka waxna ka dhiga Jamacadda Luwiziyano ee dalkaasi ayaa sidoo kale waxay tibaxeen inay jiraan cudurro badan oo ku dhaca Maskaxda Bini’adamka kuwaasi oo looga hortagi karo ayna dawo u tahay Ukunta.

Darasadan ayaa waxa lagu sheegay in inta ugu badan ay Dumarku u bahan yihiin Ukunta Madaamo ay xaalado kala duwan maraan, jirkooduna uu u bahan yahay wax yaabo dheeraad ah oo ilaliyo difaaca jirkooda loona bahan yahay in Todobaadkiiba ay dhowr jeer Isticmalaan Ukunta ayna cunaan cunto isu dheeli tiran.

Cilmi baarayaashani ku xeel dheer Culuumta Caafimaadka ayaa sidoo waxay xuseen in badanaaba dadka difaacoodu yaraado ee Miisaankoodu ka hoos maro 65- inay dhintaan haddii ay isticmaali lahayeen Ukuntana ay suurtagal tahay inay badbaadi lahayeen.

Khubarada Caafimaadka ayaa waxay ku dadaalayaan inay ka haqab tiraan Shucuubta Caafimaadka Culuumtii ay soo barteen, ayna u hor marin lahayeen qeybaha kale duwan ee adeegyada Caafimaadka iyagoona sheegay in la gaaray xilligii Bini’adamku uu ka nasan lahaa dhibaatoyinka kala duwan ee ka dhasha Cudurada, ku dhaca Bini’aadamka ku nool ama dadka ku dul nool Caalamka an ku nool nahay.

Ugu dambeyn Daraasadani ay sida wada jirka ah u soo bandhigeen Saynisyahannadani ku sugan dalka Mareykanka iyo barayasha jamacadda Luwiziyano ee dalkaasi ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli ay jiraan dadaalo aad u tira badan oo ay wadaan khubarada Caafimaadka iyo kuwa kale ee soo bartay Culuumta kale oo doonaayo inay ka faa’iideystaan Xilliga Casriga ee lagu jiro iyo aaladaha Casriga ee hadda Caalamka ku soo biiray una Isticmalaan dhinaca wanaagsan
Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply