ambuhu waa midho macaan oo cunno iyo cabitaan ahaanba loo isticmaalo, wuxuu aad uga baxaa dalkeena iyo meelo kaloo dunida ka mid ah. Cambaha wuxuu ku jiraa midhaha ugu caafimaadka badan ee la cuno.

Waxaan halkaan ku soo aruuriyay faa’idooyinkiisa caafimaad khaasatan kuwa cilimibaaris ahaan loo ogaaday:

  • Cambaha waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan, taasoo tamar iyo caafimaad bini’aadanka uu ka helo sida fitamiinnada kala duwan, macdanta botasiyam, magniisiyam, birta iyo siliniyam.
  • Inkastoo cambuhu uu macaan yahay laakiin wuxuu xakameeyaa heerka hormuunka loo yaqaano Insulin-ta ee hoos u dhiga sokorta.
  • Cambaha waxaa ka buuxo maadada buunshaha ee “Fiber” loo yaqaano, sidaa awgeed wuxuu daawo iyo ka hortagba u yahay calool fadhiga.
  • Cambaha wuxuu nafaqeeyaa bakteeriyada nuuca faa’idada leh ee mindhicirrada ku jirta taasoo jirka ku caawisa nuugista nafaqooyinka qaar ee cunnada laga helo.
  • Cambaha waxaa ku jira dheecaan-burburiye “Enzymes” qaabilsan sokorta, borotiinka iyo dufanka, sidaa darteed ma keeno daaco quran iyo dheefshiid xumo.
  • Cambaha waxaa ka buuxa macdan loo yaqaano “magnesium” oo muhiim u ah murqaha wadnaha iyo xakamayta dhiig-karka.
  • Cambaha wuxuu xoojiyaa dhambaallada maskaxda iyo neerfaha, sidaa darteed wuxuu u roon yahay dadka madaxa jugta ka gaartay iyo dadka ku dahcay faalijka.
  • Cambuhu waa sunsaare “Antioxidant”, wuxuu kaloo caawiyaa shaqada unugyada dhiigga cadcad iyo kuwa cascas.
  • Cambaha wuxuu sare u qaadaa difaaca jirka, cilmibaaris mardhaw la sameeyane waxaa cambaha laga soo saaray maaddo Alle ku abuuray oo loo yaqaano “mangiferin”, maadadaan waxaa la arkay in looga hortago kansarka naasaha iyo malawadka ku dhaco. Sidaa darteed waxay dhakhaatiirta ku taliyaa in cambo cunista la badsado si looga hortago cudurrada Kansarka.!
  • Cambaha waxaa ka buuxo fitamiin C, kaasoo dowr wayn ka ciyaaro difaaca jirka iyo ka hortagga cudurrada fayraska uu keeno sida hergabka oo kale.
  • Cambahada wuxuu yareeyaa dhaawacyada kolestaroolka uu gaarsiiyo xididada jirka.
  • Cambaha waxaa ku jira maaddo saxdo khaladaadka ka dhaco DNA markay qeybsamayso, taasoo muhiim u ah samaysanka unugyo cusub.
  • Sidoo kale cambaha waxaa ku jira fitamiinka A oo sida la wada ogyahay muhiim u ah aragga iyo caafimaadka indhaha.
  • Qolofta cambaha waxaa ku jira maaddo joojiso samaysanka baruurta jirka, waxayna ka hortagtaa cayilka, diraasadaan waxay ku talinaysaa in qolofta lagu cuno cambaha oo aan laga fiiqin.
  • Fitamiin K oo cambaha ku jira wuxuu xoojiyaa, tayane u yeelaa lafaha.
  • Sidoo kale cambaha waxaa ku jiro maadada birta ee dhiigga laga sameeyo, sidaa darteed wuxuu ka hortag u yahay dhiig-yarida.
  • Diraasada lagu sameeyay awoodda cambaha ee dhinaca taranka ragga waxaa la arkay inuu kordhiyo xawaaraha iyo tayada shahwada.

Dabcan way jiraan waxyaabo kale oo badan oo aan weli la ogaan oo Alle ku abuuray midhaha cambaha, laakiin waa muhiim in aan ku dadaalnaa cunistiisa iyo cabitaankiisa.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA