A) Dheef Shiid Xumada

Biyaha Liin dhanaanta iyo biyo far diiris ah oo isku dhafan oo Subaxa hore la Cabbaa waxay kordhiyaan cunto Qaadashada, Calooshana way jilciyaan.

B)      Hargabka

  1. Biyaha Liin dhannaanta, biyo diiran iyo far iyo suul Milix ah oo la cabbaa waxtar weyn bay u leeyihiin gaar ahaan marka sanka biyo kaa socdaan.
  2. Cabbitaanka Sharaab badan oo Liin dhanaan ah oo lagu daray biyo, laguna macaaneeyey malab, isla markaana la isku uumiyo Liin dhannaanta qalashay oo biyo lagu kariyey, Hargabka si fiican baad uga bogsanaysaa haddii Eebbe Idmo.
  3. Biyaha Liin-dhannaanta iyo biyaha Liin-macaanta oo la isku badhxaa aad bay waxtar u leeyihiin.

C)      Xummadda (Fever)

Biyaha Liin-dhanaanta oo korka ama oogada jidhka oo dhan si fiican loo mariyaa dhakhso ayay xummadda u dejisaa, (Hubaal) yar iyo weynba, waxa weliba aad loo ammaanay in la cabbo Sharaab qabow oo Liin dhannaan ah, dhawr jeer maalin walba.

D)      Yalaalugada/Daalalyada

  1. Sharaab yar oo Liin dhanaanta ah, laguna daray in yar oo milix ah, in yar oo filfisha madow ah iyo in yar oo khamuun la tumay ahi waxay si degdeg ah u tirtiraan (Joojiyaan) Yalaalugada.
  2. Sharaabkeeda oo sooc ihi matagga wuu joojiyaa.

E)      Madax-xanuunka

  1. Biyaha Liin-dhanaanta iyo Shaah (Rinji) madow (Bilaa Caano iyo bilaa Sonkor ah) oo la cabbaa aad bay wax uga tartaa Madax-xanuunka.
  2. Biyaha Liin-dhanaanta  oo dhafoorada la mariyo si fiicana loogu duugaa (Massage) Madax-xanuunka way biiyaan.

F) Buurnaanta Xad-dhaafka ah (Obesity)

Biyaha Liin-dhanaanta iyo Biyo farodiiris ah oo la isku badhxay, lana cabbo subaxa hore, hoosbay u ridaan miisaanka culus iyo xaydha badan.

G) Xannuunada Kaadi mareenka

  1. Sharaabka Liin-dhanaantu waa kaadi badiye iyo Sifeeye xoog badan oo marinada Kaadida si wacan u dhaqa (Maydha).
  2. Laba (2) Jeex oo Liin-dhanaan ah ku tiixi midiiba dhawr dhibcood oo Saliida xabaasuudda ah, dab fudud (aan aad u kululayn) ku yar diiri, badabdeed tuuji oo xundhurta hoosteeda si debbecsan ugu duugo qofka ay kaadidu ku taagan tahay, isla markaaba way soo dhaafaysaa.

H) Shubanka

1.       Biyaha Liin-dhanaanta iyo Shaah madow oon Sonkor iyo Caano toona lahayni wuxuu joojiyaa shubanka.

2.       Hal (1) Xabbo oo Liin-dhanaan ah Biyaheeda iyo Saddex Boqol (300) ml oo Biyo ah oo la isku daro oo afar (4) jeer maalintii la cabbaa shubanka way joojiyaan.

I) Bidaarta,  Daadashada Timaha iyo Toxobta (Dandruff &Typhus)

1.       Iniinyaha Liin-dhanaanta oo la dhilo (Qashiro) oo la tumo ama la ridqo, dabadeed madaxa la mariyaa waxtar badan bay bidaarta ka geystaan/ wax weyn bay ka tartaa la dagaalanka Bidaarta.

2.       Intoo timaha madaxa la xiiro, dabadeedna Biyaha Liin-dhanaanta si fiican loogu duugaa toxobta way tirtiraan, timaha cusub ee soo bixi doonana waxay siisaa awood iyo xoog badan oo daadashada ka ilaaliya.

J) Furuqa (Small Pox)

Sharaabka Liin-dhanaanta oo Subag Saafi ah lagu daro oo la cabbaa wuxuu ka hortag fiican u noqon karaa furuqa.

K) Babaasiirta

Caleenta Liin-dhanaanta iyo in yar oo Sonkor ah oo laysku Cajiimo (Ridqo) oo Subaxa hore la isticmaalaa waxtar weyn bay u leedahay Daaweynta Babaasiirta.

L) Bararka Beerka

    Isku Dar

1.       Hal (1) Litir oo Biyaha Liin-dhanaanta ah

2.       Boqol (100) ml oo Biyaha Sinjibiilka ah

3.       Toban (10)grm oo Milix ah

4.       Labaatan (20)grm oo Khamuun ah

5.       Shan (5)grm oo Xildiid ah

a)       Qaabka loo Samaynayo

Salool (Dub) Khamuunta iyo Xildiida, dabadeedna tun ama ridiq oo budo ka dhig, Milixdana ku dar iskuna qas, Biyihii Liin-dhanaanta iyo kuwii Sinjibiilkaba isku wada gee oo Weel dabool adag leh ku kaydi.

b)      Habka loo Isticmaalayo

Subaxa hore maalin walba ka cab saddex (3) ilaa Sideed (8)ml, Beerka Bararay wuu bogsanayaa Inshaa Allah, cuntaduna si fiican bay kuugu furmaysaa (good appetite) dhammaan wixii cilado dheef-shiidka ku lug lahaana way dhammaanayaan.

M) Bararka Ganaca (Enlarged Spleen)

1. Isku dar Toban (10)ml oo Biyaha Liin-dhanaanta ah iyo Lix (6)ml oo Biyaha Basasha ah maalintiiba 2 jeer, waxaana la cabbayaa Subaxa iyo Habeenka.

2. Khal ka samaysan liin-dhanaanta oo la isticmaalaana aad buu u wacan yahay waxtarkiisu.

3. Koob sharaabka liin dhanaanta ah, xabasuud iyo malab cun quraacda horteed.

 

N) Dil-dilaaca Debnaha

1. Biyaha Liin-dhanaanta oo lagu daro soodhe ama Biyaha Liin-macaanta ama biyaha Rummaanku waxay daaweeyaan Dil-dilaaca Debnaha iyo xannuunada kale ee afka ku dhaca.

2. Qolofta Liinta oo Cirridka la marmariyaa Ilkaha dhaqdhaqaaqa iyo dhiigga Cirridkaba way joojisaa.

O) Daacuunka ama Kalooraha

Biyaha Liin-dhanaanta oo lagu tuujiyo biyaha la cabbayaa waxtar weyn bay u leedahay ka hortagga Daacuunka.

P) Gororka (Dhiigga Sanka ka yimaada)

a) Dhawr dhibcood oo Dulka Sanka lagu Shubo biyaha Liin dhanaan cusub oo markaa la kala jeexay ahi Dhiigga way joojiyaan markaaba.

b) Biyaha Liin-dhanaanta oo lagu Qooshay (Cajiimay) Budada Heedda oo wajiga laga saaraa way joojiyaan Gororka Sanka.

c) Biyaha Liin-dhanaanta iyo Bun la isku daraa waxay joojiyaan dhiig-baxa Naburada.

Q) Xanuunnada Cunnaha

a) Biyaha Liin-dhanaanta oo diiran iyo Malab waxtar weyn bay u leeyihiin Cuno Xanuunka.

b) 3 ama 4 Caleemood oo la calaliyaa Maalintiiba 3 jeer, waxay daaweeyaan Qufaca, dacarta iyo hunqaacada.

c) Qiiqa Caleemaha Qallalan ee Liin-dhanaanta oo la isku uumiyaa wuxuu joojiyaa Higgada iyo madax-xannuunka.

d) Cabbista iyo ku luqluqashada Biyaha Liin dhanaantu waxay dawaysaa Xoqadaha iyo Cunno Xannuunka.

R) Baal-Qushaashka (Scurvy)

Liin –dhannaantu waa Dawada ugu haboon Xannuunkan.

S) Isku Qurxinta (Cosmetic Properties)

1. Liin-dhanaanta kala jeex, Biyaheeda Saabuunta mari, wajigaaga si fiican ugu dhaq, dabadeedna biyo diiran kaga maydh madmadowga oo dhan meesha wuu ka baxayaa si la yaab lehna way u dhalaalinaysaa.

2. Laba (2) Liimood oo aad ku darto biyo kulul oo aad ku maydhataa, jidhka si fiican bay u nadiifisaa, u qurxisaa una debcisaa.

3. Biyaha Liin-dhanaanta iyo Garasaliin la iskugu daro si is leeg iyo in yar oo biyo far-diiris ah oo la mariyo Wejiga, gacmaha iyo jidhka kale way nadiifiyaan, dildilaacyadana way daweeyaan, waanay debciyaan, waxaanay soo saaraan Qurux dabiici ah.

4. Biyaha Liin-dhanaanta oo Timaha si fiican loo wada gaadhsiiyo ka hor inta aan la maydhin, dabadeedna biyo diiran lagaga maydhaa timaha way jilcisaa aadna u dhalaalisaa.

5. Biyaha Liin-dhanaanta oo marka la cadayanayo la isticmaalaa Ilkaha aad bay u caddeeyaan, Urta Qadhmuun ee dadka qaar afkooda laga uriyona way tirtirtaa.

T) Nadiifinta (Weelka iwm)

1. Marmarka guriga, weelka dhoobadda ah iyo kuwa naxaasta ah ku dhaq biyaha Liin-dhannaanta oo lagu daray in yar oo Milix ah.

2. Agabka Lacagta (Silver) iyo Dahabka ku sifee biyaha Liin dhanaanta.

3. Dharka Caddaanka ah ee midab doorsooma ku maydh biyaha Liin-dhanaanta iyo Khal yar oo la isku dhafay.

4. Kabaha Duugooba ku sifee Diirka (Qolofta) Liin-dhanaanta, way dhalaalisaa, debcisaana.

5. Ku Faraxalo biyaha Liin-dhanaanta haddii aad Toon, Basal, Gaas ama Dufan taabatay way nadiifiyaan, Urtoodana way tirtiraan.

U) Gebagebo

Guntii iyo Gebagabadii, Liin-dhanaanta Sannadka oo dhan waa la heli karaa, Qaalina ma aha oo Taajir iyo Faqiirba way iibsan karaan, waxaanay ka mid tahay Deeqaha Eebbe innagu manaystay ee aan la soo koobi karayn.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA