Faa’iidooyinka Xabxabka Ee Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

Waxaa kor u kaca  cunista xabxabka xiliyada bisha ramadaan ee dadku soomanyihiin  iyada oo dhanka kale khubarada cuntada (nurition) ku ay ku taliyeen in la cuno xabxabka xiliga Af-furka ama Suxuurta.

faa’iidada uu leeyahay xabxabku waxa kamid ah..

1-Xabxabku waxa uu basaas-tira ama uu jilciyaa sida labeenta, caloosha iyo jidhka.

2-Waxa uu tamar/awood siiyaa midhiciraha iyo dhiiga

3-Waxa uu hoos u dhigaa heerka cadaadiska dhiiga ee aadka u sareeya (high blood pressure)ka, waxa kale oo uu u fiican yahay wadna xanuunka, waxana uu leeyahay awood uu kaga hortago adkaanshaha halbowlayaasha dhiiga sababtoo ah waxa ku jirta maadada vitamin “C” ga.

4- Xabxabku waxa uu hodan ku yahay macdanaha aasaasiga ah sida Potassium iyo Magnasuim ka, kuwaasoo ka caawiye in muruqyado ay nastaan.

5- Xabxabku 95% waxa uu ka samaysan yahay biyo iyo ”carbohydrate” oo ah waxyaabaha jidhku ka helo kulaylka iyo tamarta sida furunka iyo sonkorta.

6- Xabxabku waxa uu hoos u dhigaa kulaylka jidhka tani oo ah arin gaar ah oo qofka faa’iido u ah dharaartii marka uu sooman yahay.

7- Xabxabku waxa uu baabi’iyaa milixda jidha gasha, waxa kale oo uu bur buriyaa dhagaxda kalyaha.

8- Xabxabku waxa uu faa’iido dawo ah u yahay babaasiirka.

9- Xabxabka waxa ku jirta maadada la yidhaahdo”Lycopene” oo iyadu ka shaqaysa hoos u dhiga Cancer ka midhiciraha iyo wadna xanuunka.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments