Facebook Oo Adeegyadiisa Ku Soo Kordhiyey Adeeg Cusub Oo La Magac Baxay “Ma Nabad Qabtaa” Warbixin Dhamaystiran.

Shirkadda Facebook ayaa beddeshay siyaasadeeda ku aaddan in dadka isticmaala ay hubiyaan bed-qabka dadka iyaga u dhaw iyo saaxibadood marka ay musiibo dhacdo, arrintaas ayaa ka dambeysay dhaleeceyn uga timid dadka markii ay adeeggan u fureen weerarradii Paris,

halka aysan isticmaalayaasha u oggolaan markii ay dhaceen weerarradii Bayruut ee dhacay maalin ka hor.
Facebook ayaa adeeggan “Hubinta Bed-Qabka” isticmaali jirtay kaliya marka ay dhacdo musiibo dabiici ah si ay dadku u sheegaan inay ka bed-qabaan musiibada, hase yeeshee markii ugu horreysay ayay furtay adeeggan markii ay dhaceen weerarradii Paris habeenkii jimcaha.
Dadka isticmaala Facebook ayaa fursaddaan uga faa’iideystay inay hubiyaan isla markiiba inay nabad qabaan ehelladooda iyo dadka kale ee ay xiriirka leeyihiin.
Facebook ayaa ku dhaliilay inaysan fursaddaan oo kale bixinin markii ay dhaceen qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay Bayruut, halkaas oo ay ku dhinteen 43 qof, 250 kalena ay ku dhaawacmeen. Halka isla markiiba ay shirkaddu adeeggan furtay markii ay dhaceen weerarradii Paris.
Shirkadda Facebook ayaa dhaleeceyntaas uga jawaabtay in weeraraddii Paris markii ay dhaceen, ay markii ugu horreysay shirkaddu furtay adeeggan ayadoo aysan jirin musiibo dabiici ah, taas oo ahayd in la isku dayo in la sameeyo wax cusub.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com