Fadeexad Gilgishay Dalka Britain!

Dalka Britain ayaa waxa ka dhacday fadeexad gilgishay Dalkaasi fadeexadan ayaa ah kufsi lagula kacay 1000 gabdhood oo caruur ah .

Falkaasi aadka u foosha xun ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Telford ee Dalkaasi waxaana falkaasi ku kacay koox la sheegay in ay maafiya tahay fadeexadan ayaa waxa ay noqotay Fadeexadii ugu wayn uu lagula gabadhaha aadka u yaryar abid ee ka dhacda dalkaasi.

Sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka ee dalkaasi kooxdan falaagada ah ayaa waxa ay ka hawl galayeen dalkaasi tan iyo 1980kii waxa aanay kaxatstaan gabadhaha yaryar kuwaasi oo ay ku qasbaan in bartaan isticmaalka maandooriyaha sidoo kalana waxa ay gabdhahaasi yaryar kula kacaab jidh dil aad u xun intaasi kadibna waa ay kufsadaan.

Dambiyada laga diiwaan galiyay arrimaha la xidhiidha kooxdaasi falaagada ah ayaan si dhab ah loogu hawl galin wax ka qabashadooda waxaana wax ka qabasha la’aanta arrintaasi lagu eedaynaya ciidamada Dalkaasi dhinaca kale Wargeyska The Miror ee ka soo baxa dalkaasi ayaa waxa uu baahiyay in wali falalka noocaasa ahi ay wali ka socdaan magaaladaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com