Fadeexad Ka Dhalatay Haweenay Uur Leh Oo Ilaalada Madaxweyne Obama Iska Hortaagtay Cusbitaalka Oo Ruxday Aqalka Cad

Washington, (Hawraar/Mucis):- Haweenay xaamilo ah oo xaalad caafimaad loo gaynayay cusbitaal ku yaala magaalada caasimadda u ah dalka Maraykanka ee Washington.

3909901220

Ayaa sheegtay in Madaxweyne Obama ka hor istaagay inay gaadho cusbitaalka xili ay aad u xanuunsanaysay.

 

Haweenaydan oo Laura Aangrim ayaa iyadu markii ugu horaysay bogeeda Twitter-ka ku baahisay, cabasho ka dhan ah Obama, waxaanay sheegtay in muddo sodon daqiiqadood ah ay ilaalada ammaanka madaxweynuhu ka hor taagnaayeen inay gaadho cusbitaalka, xanuunkuna ku sii kordhay.

 

Waxa kale oo gabadhan u hadlay si toos ahna cabashadeeda warbaahinta u mariyay, Qareenkeeda gaarka ah, Mr. Raphael Cohen, kaas oo sheegay in ilaalada Madaxweynuhu dhaafeen xadkii caadiga ahaa ee aadami-nimo isna hor taagayaan bukaanka loo wado cusbitaalada.

 

images

Cabashada gabadhan oo ay si wayn u qaada dhigtay warbaahinta Maraykanku waxa kale oo ay ka mid noqotay, waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay shabakadaha xidhiidhka bulshada ee internet-ka, waxaanay noqonaysaa fadeexad hor leh oo ku habsatay ilaalada ammaanka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply