FALANQAYNTA IYO FAALAADA FANAANIINTA ADUUNKA

Todobbaadkii Hore Waxaynu ku soo qaadanay Barnaamijkeeni Falanqaynta iyo Fanaaniinta Dunida, Fanaankii waynaa ee Carbeed Abubakar Saalim. Hadaba Todobbaadkan waxaynu ku soo qaadan isla Fanaanad Carbeed oo mageecada la yidhaahdo Nasi Cajram.. Naasi Cajram waxay dhalatay 16-May-1983 waxay ku dhalatay xaafada Bari ee Magaalada Bayruut ee Wadanka Lubnaan, waxayna ka dhalatay Reer Kiristan ah kana sii ah Ortodhokosta Bari.labadeeda waalid waxa la kala yidhaahdaa Nabiiyl and Raymonda,

Naasi Cajram waxay aad ugu soo caan baxday heesaha Vedio Clip-ka ah oo ay uu soo saartay si Cajiib ah Iyo codkeeda Taabashada leh waana fanaanad ay aad u jecel yihiin jiilkan danbe,heesa badan ayeey soo saartay kuwaasoo qayb wayn ka qaatay soo bixida fankeeda waxaa heesahaa ka mid ahaa….1 Yaasalaam 2 Aah wanus 3 Batafakar fee eeh, iyo qaar kaloo badan waxay ku guulaystay inay iibiso in ka badan hal Malyan oo copy oo ka mid ah heesaha ay soo saartay kuwaasoo laga wada dhegaystay wadamada Carabta oo dhan waana tan ka dhigtay inay noqoto qofka sadexaad ee wadanka Lubnaan ugu horeeya xaga iibka heesaha,waxay guul fiican ka soo hoysay Album-keedii ay soo saartay 2003 Aah wanus.Album-keedi ay soo saartay 2004 horaantii qarnigii 21 aad kadib soo shaac bixideeda caanka ah waxay gashay heshiisyo shirkadeed oo caalami ah sida Coco Cola iyo shirkada Damas ee Dahabka iyo Diomond-ka ka baayaca Mushtaraysa iyo shirkada Telefonada ee Sony Erixcson, Waxay Guursatay Dr.Fadi Hashim oo ah dhakhtar ilkaha ah sanadu markay ahayd 2008 iyadoo ay dhe martay qiso jacayl ah oo dheer,waxay u dhashay markii u horaysay inan taasoo dhalatay isla maalintii ay iyadu dhalatay oo ah 16-May-2009 waxay u bixisay Mila. waxayna u qaaday hees magaceeda la yidhaahdo ( ilaahaw ay kortaa Mila). waxay dhashay ilmihii labaad sanadku markuu ahaa 2011 waxayna u bixisay Iiyla. Markay usii noqono hadaba Barbilowgii Fankeeda, iyadoo 13 jir ah ayeey ka qayb gashay Barnaamijkii la odhan jiray Xidigaha  Mustaqbalka.waxayna ka qaadatay Bilada Dahab ah intaa kadib waxay ka qarsoontay Dadwaynihii ku bartay Barnaamijka isla markaana ogaa guulihii ay ay ka soo hoysay iyo kaalintii ay ka gashay, waxayna bilowda barashada musica iyo fanka,iyadoo ka yar 18 jir ayeey la kulantay fanaaniinta waa wayn ee dalka lubnaan, sidaas ayeeyna ku bilowday fankeedi waxayna soo saartay Albume-keedi ay ku heshay sumcada badan ee (Yaa Salaam Sixir Cyuunahaa)markay soo baxday fanaanadani waxaa judhiiba ay caan ka noqotay aduunka waana tan ay Obrah Barnaamijkeedi ku soo Casuntay .Barnaamijkeedi ay Ku Magcawday Fanaaniinta Caanka Ka ah Aduunka.waxayna ku ogaatay inay tahay ama ay ka mid tahay naasi cajram dadka heesa ee bariga dhexe qofta ugu shacbiyada badan , waxay kale oo safiir ka noqotay Goodwill, Uniceff Bariga Africa iyo Bariga Dhexe sanadii 2009.. Arinta hadaba Xiisaha leh ee waxa weeye markii ay soo baxday heesta Magaceeda la yidhaahdo (Saxaruni cuyunah) ayaa waxaa soo shaac baxday arin odhanaysaa heesta Laxankeeda waxaa laga xaday gabadh saawixili ah oo iyana la yidhaahdo Mask Girl. heesta ay qaadayso saawixiliyaduna waxaa la yidhaahdaa ( Sina Hali) Si kastaba ha ahaatee weli heestaa wax go’aan ah oo ka soo baxay ma jiraan oo aanu ilaa hada ka war hayno hadii aanu nahay Bahda Hawraar.Akhriste hadii aad macluumaad ka hayso iyo heestaa siday ugu kala horeeyeen Naasi Cajram iyo Mask Girl waxaanu kaa codsanaynaa inaad noogu soo hagaajiso Barta aanu ku leenahay Facebook iyo Cinwaanada Hawraar hadba Kii kuu fududaada, Todobaadkan Taariikhdaa Kooban ee Fanaanada Nasi Cajram intaa Haynoogu Joogto Tani iyo Intaynu isku arki doono Fanaan Kale iyo Faaladiisa, waa dhamaantayo hadii aanu nahay Waxsoo-saarka Hawraar Production oo idin leh. Fii Amaanina Laah.. Waxaa Idiin soo Diyaariyay Axmed Ugaas Maxamed C/raxmaan (Majabbir) Link-gia Labada Heesood ee Muranka ka dhaliyey Barta Internetka iyo Social Media-yaha waa kuwan

Heesta Sawaaxiliga ah

Heesta Carabiga ah

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply