Fanaanad Ku Caan Baxday Heesaha Waddniga Ah Ee Dalka Falastiin Oo Geeriyootay Kadib Markii Uu Ku Dhacay Cudurka Kansarku!

Fanaanadii magaceeda la odhan jiray Riim Banaa ayaa geeriyootay kadib markii ay muddo badan xanuusanaysay,Riim ayaa waxa ay da’deedu ahayd 52 jir fanaanada Riim ayaa la sheegay in uu ku dhacay cudurka Kansarku isla markaana ay u geeriyootay . Wasiirka Hiddaha iyo dhaqan ee Falastiin oo ka hadlaya Geerida fanaanada Riim ayaa waxa uu yidhi “Ma odhanayo Riim Banaa way inaga tagtay laakiin waxa aan leeyahay waxa ay ka tagatay fan aan duugoobin oo astaan u ah dadkeena waxa aanu fankeedu ka lulan doona samada dhulkeena,Riim waa ay inaga tagtay waxa aan marnaba inaga tagayan heesaheedii ay dalkeena Falastiin u qaadi jirtay Jidhkeedii waa inaga qarsoomay balse way inala joogtaa mar haddi aynu dhagaysanayno heesadii “.   Fanaanadaasi Riim ayaa waxa ay ku caan baxday heesaha waddaniga ah ee ay u qaadi jirtay dalkeeda Falastiin waxa aanay leedahay albama badan oo heesaheedu ku kaydasnyihiin ,waxa aanay ka qayb gashay bandhigyo fara badan oo ay ku matalaysay waddankeeda Falastiin.     Riim Banaa ayaa bishii hore waxa ay ku soo qortay Facebook in albankeeda cusubi uu soo bixi doono 20kii bishani March 2018 ee aynu ku guda jirno laakiin nasiib darro waxa ay geeriyootay ka hor intii aan albankeedaasi cusub lagu soo dayn suuqyada Dalkaasi.                                 Hawraar.net/Hargiesa.office

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com