Fanaanada Caanka ah ee Asaala Nasri ayaa waxa ay xidhay laba dumara oo shaqaale ka ahaa gurigeeda.

Labada dumara ee ka shaqaynayay guriga fanaanada Asaala ayaa waxa lagu soo eedeeyay in ay ka xadeen lacag 70,000 oo giniga masar ah .

Fanaanada Asaala oo u Dalka Syria ayaa waxa ay degantahay Magaalada Qaahira waxa aanay is qabaan Flim soo saaraha u dhashay Dalkaasi Masar ee magiciisa la yidhaahdo Daariq Al-caryaan .

Labada dumara ee ka shaqaynayay guriga Asaala ayaa waxa ay u dhasheen dalka Itoobiya waxaana lagu xukumay xadhig laba sano ah ,sidoo kalana Dirawlkii Asaala oo ka mid ahaa dadka loo xidhxidhay tuugada lagula kacay aqalka Asaala in la sii daayay kadib markii ay maxkamadu cadaysay in aanu wax dambi ah gaysanin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA