Fanaanada Barwaaqo Qalanjo oo Qaadey hees ay Wada Qaadaan Fanaanada Caanka ah ee Asma Love iyo Fanaanka Cabdirisaaq Anshax

Tan iyo Intii Kooxda Xidigaha Geeska ay ka Bilaabeen Fankooda Caasimada Soomaaliland ee Hargeisa waxaa dib usoo noolaaday Lahaanshaha Heesaha ee Fanaaniintu ay leeyihiin Heeso iyaga loo Sameeyay oo aan hore cidi ulahayn isla markaana Fanaankasta oo ka tirsan Kooxdan ama Fanaanad kasta oo ka tirsan Kooxda Xidigaha Geesku wuxuu Qaadaa Hees Cusub Ereyo Laxan iyo Music ugaara oo aan mid mid la mida ama shabahdaaba aanay jirin hase yeeshee waxaa dhawaanahan soo ifbaxay Dagaalkii ay Kooxdan Xidigaha Geesku Kula Jirtay Copyga ama Fadhatada Heesaha in iyaga Lagu soo Qaaday oo Fanaaniinta Dadada yar yar ee imika Soo Baxayaa ay Qaarkood malaha Magac Ka dhiganayaan Fanaanada Heblaayo ayaanu Hees isku Haysanaa.

HEESTA ILDOOGSI : waa Hees lagu Bartey inay wada Qaadaan Fanaanada Asma Love iyo Cabdirisaaq Anshax oo  uu ereyadeeda iyo Laxankaba  leeyahay Abwaanka wayn ee Reer jigjiga Cabdifataax Mukhtaar Xassan Heestan Waxaa Tumey Music ga Axmed Wali Ibraahim Maxamuud Furinle waxaa Hore looga Qaadey Waraysi ay kooxda Xidigaha Geesku Qabteen Ciidii Ramadaan Taas oo lagu Baahiyey Dhamaan Websityada iyo baraha internetka ee loo Yaqaan Youtubeka
WAANA TAN HEESTA ILDOOGSI EE DAAWASHO WACAN


Heestan Marag Madoonta ah ayey Fanaanada Baryahan dambe Fankeedu suuqa soo galay ee Barwaaqo Qalanjo dib uqaadey taas oo aanu la xidhiidhnay Fanaanka iyo Fanaanada heesta Hore uqaadey Kuna sheegeen Budhcadnimo Bililiqo Faneed ka bilaabantay fanka hargeysa oo Kooxdan Xidigaha Geesku Dagaal ugu Jirto Ladagaalanka Budhcad Faneednimada

WAATAN HEESTII AY DIB UQAADEY BARWAAQO QALANJO OO AANU HORE UBAAHINAY SI AY DADKU UGU GARQAADAAN


FIKIRKAAGA AKHRISTE KA DHIIBO

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply