Fanaanada Beyonce Oo Ku Guulaysatay Jaa’isada Michael Jackson

201408071022111Sida wakaladaha wararka dunidu ku warameen, fanaanada aadka loo jecel yahay heesaheeda ee Beyonce ayaa isku diyaarinaysa, abaal marinta muusiga ee Telefishanka MTV qaban qaabiyo, isla markaana lagu magacaabo ama lagu sharfo boqorkii muusiga Pop-ka ee dhintay.

Telefishanka MTV ayaa isagu sanad kasta qabta xaflad muusig oo lagu abaal mariyo hadba qofka la isla garto inuu door muhiim ah ka qaatay, horumarinta naftiisa iyo kor u qaadista muusiga iyo fanka, waxaana sida la sheegay MTV Video Music Awards-ka sanadkan 2014, la iskula gartay in abaal marinta Michael Jackson ay u qalanto fanaanada Beyonce.

Kooxaha qaban qaabiya abaal marintan ayaa sababta ay gabadhani ugu guulaysatay, iyagoo ka hadlaya sheegay in ay dedaal dheer ka samaysay muddadii ay fanka ku jirtay, isla markaana ay tahay qof iyadoo aad u yar bilowday muusiga.

Waxa kale oo fanaanadan lagu aamaanay sida ay cod iyo muuqaal labadaba ugu qancisay taageerayaasheeda, amaantaas oo ilaa heer lagaga sheekeeyay albanadii kala duwanaa ee ay soo saartay oo uu ugu danbeeyay kii 2013-kii ay soo saartay oo iyada loogu magaca daray.

Abaal Marintan ama jaaisadan ay ku guulaysatay Beyonce waxa hore ugu guulaystay fanaaniinta ay ka midka yihiin, Madonna, Justin LLP iyo Britney, waxaana lagu wadaa in bishan 24keeda xaflad wayn oo ka dhici doonta Magaalada California lagu siiyo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply